Ciidammada Lubnaan Oo Ku Jaah-wareersan Siduu Dalkooda Kusoo Galay Dahab Laga Soo Xaday Matxaf Ku Yaalla Jarmalka

Date:

Koox maafiya ah ayaa waxay 26-kii bishii March ee sanadkan kasoo xadeen magaalada Berlin ee Dalka Germany Dahab Taariikhi ah oo yaalay Matxaf ku yaalla Magaaladaas.

Dahabkan ayaa la sheegay inuu le’eg yahay Taayirka gaadhiga sidoo kale Miisaankiisu yahay 100Kg, qiimaha dahabkaas ayaa lagu sheegay inuu yahay 4 Millyan oo Doollar, kooxdan Maafiyada ah ee soo xaday dahabka ayaa waxa la xaqiijiyay inay u dhasheen dalka Lubnaan.

Ciidamada ammaanka dalka Lubaan ayaa kadib markii ay dabo-gal sameeyeen waxay ku guulaysteen inay gacanta ku soo dhigaan kooxdaas oo ku sugnayd gudaha dalkaas, isla markaana waxa la qabtay iyaga oo dahabkii gacanta ku haya, waxaana ciidamada ammaanka ee Lubnaan ku guulaysteen inay soo ogadaan aqalkii ay ku sugnaayeen arrinta aadka u la yaabka badan ee aan ilaa iyo haatan wax jawaab ah loo hayn ayaa waxay tahay qaabka ay dahabkaasi u soo dhoofiyeen, isla markaana ay uga soo gudbiyeen baadhitaanada madaaradii ay soo mareen, Matxafka ay kasoo xadeen dahabkan ayaa waxa magaciisa la yidhaahdaa Bodo, waxaanu ka soo horjeedaa aqalka haweenayda Ra’iisal wasaaraha ka ah dalka Germany ee Angela Markel  ilaa iyo haatan wax cadayn ah looma hayo qaabka ay maafiyadani ugu guulaysatay hawshaasi culus waxaanay tuuganimada noocan oo kale ahi ka mid tahay arrmaha aadka u yar ee maafiyada ay ku guulaystaan, maadaama oo ay u kala gooshayaan laba dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...