Somaliland: Wasiirka Waxbarsahada Oo Soo Saaray Digreeto Ka Dhan Ah Dugsiyada Aljazeera & M.M Cali

Date:

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Md. Cabdilaahi Ibraahim Habane ayaa xalay soo saaray digreeto uu dugsiyada dalka kaga mamnuucayo arday uu ku eedeeyay inay sifo sharci darro ah ku dhigtaan dugsiyada Maxamuud Axmed Cali iyo Aljazeera ee magaalada Hargeysa.

 

Digreetada oo uu xalay wasiirku soo saaray kuna socodsiiyay qaybaha kala duwan ee wasaaradda waxbarashada iyo maamulka labadan dugsi sidoo kalena uu ogaysiin siiyay madaxweynaha, madaxweyne-xigeenka iyo hay’adaha ammaanka Somaliland, waxay u qornayd sidan “Sida laga wada warqabo kormeero & baadhis joogto ah ayaa laga fuliyay Gobolladda Dalka JSL, kuwaasi oo lagu hubinayay tayadda waxbarashadda sanad-dugsiyeedkii 2015/2016/2017. Sida aynu wada ogsoonahay waxa wiiqay tayadda waxbarashadda arday aan soo-marin jaran-jaradii waxbarashadda ama dhacdayba oo hadana dugsiyadda sare iyo jaamacaddaha gala, loona ogolaado iyada oo aan wax shahaado ah lagu xidhin.

Haddaba, si ay wasaaraddu wax uga qabato arintaasi waxa si rasmi ah loo gudo-galay sifaha ay ardaydu ku fadhiisato dugsiyadda. Kormeerkii guud waxa uu soo xaqiijiyay in ardayda dhiganaysay dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali fasaladiisa 1aad 2016/2017 ay dhamayd 295 (laba boql iyo shan & sagaashan) arday, waxa shahaado haystay oo la xaqiijiyay 170 (boqol iyo toddobaatan) arday oo keliya, waxana shahaado la’aan ku fadhiya 125 (boqol iyo shan & labaatan) arday. Sidoo kale isla dugsigaas ardaydiisa fasaladda 2aad iyo 3aad ee sanad-dugsiyeeka 2016/2017 waxa ay dhamayd 112 (boqol iyo laba & toban) waxa sharciyad ku fadhiyay oo keliya 20 (labaatan) arday, inta aan sharci ku fadhiyin ee aan imtixaankii horena ku jirin waxa ay dhamayd 92 (laba iyo sagaashan) arday.

Dugsiga sare ee Al-jasiira waxa fasalka 1aad ee sannad-dugsiyeedka 2016/2017 arday tiradoodu dhan tahay 120 (boqol iyo labaatan). Sida ay kormeerku soo xaqiijiyeen waxa sharci haystay oo keliya 26 (lix iyo labaatan) arday, halka ay sharci-daro ku fadhiyeen 94 (afar iyo sagaashan) arday. Dhinaca kale, ardayda fasalada 2aad iyo 3aad ee sannad-dugsiyeedka 2016/2017 waxa sifo aan sharci ahayn ku fadhiyey 61 (kow iyo lixdan) arday.

Ardaydani aan kor ku soo sheegnay ee aan sifo sharci ah ku fadhiyin dugsiyadda ujeeddada sare ku xusan markii laga baadhay go’aankii imtixaanka ee sannad-dugsiyeedkii 2014/2015 iyo 2015/2016 iyo kuwii ka horeeyayba, isla-markaasna sannad-dugsiyeedkani 2016/2017 kii ku fadhiistay shahaadad la’aan, waa laga joojiyay in ay dib uga mid noqdaan ardayda labada dugsi, ilaa inta ay keenayaan caddaymo loogu ogolaan kar ka mid noqoshada dugsiyadaasi iyo fasallada ay ku jireenba.

Haddii caddaymahaas la waayo, looma aqoonsana arday, wax xaquuq ah oo ay wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ku yeelanayaana ma jirto.

Xafiisyada ay khusayso ee wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare waxa la farayaa in ay ku camal falaan go’aankani, hubaal-celina ka keenaan helitaanka wareegtadani.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...