Somaliland: Madaxweyne SIILAANYO Oo Ay Maanta Ugu Buuxdo 7 Sano Oo Uu Xilka Qaranka Hayo & Milicsiga Khudbaddiisii U Horreysay

Date:

Khamiista Maanta oo Taariikhdu tahay 27-ka bisha 7-aad ee Sannadka 2017-ka, ayaa waxa 7 Sannadood ku buuxsantay Muddada uu Xilka Qaranka hayo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Madaxweyne Axmed-Silaanyo ayaa 7 Sannadood ka hor, Maanta oo kale Xilka Madaxweyne-nimo kala wareegay Madaxweynihii Xilka uga horreeyay oo ahaa Mudane Daahir Rayaale Kaahin.

Axmed-Siilaanyo ayaa Xilka Madaxweyne-nimo loogu dhaariyey Munaasibad aad loo bilay oo 27-kii Julay, 2010-kii lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa, taasi oo ay fadhiyeen Wufuud kala duwan oo ka kala socday Dalalka Deriska, Midowga Yurub, Maraykanka iyo Dalal kale.

Sidaasi darteed, Maaddaama oo Toddoba Sannadood ka soo wareegtay Muddadii uu Xilka Madaxweyne-nimo la wareegay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), marka lagu daro laba Jeer oo Muddo kordhin loo sameeyay, waxaynu dib u milicsanaynaa Khudbad kooban oo uu Maalintaa ka jeediyey Munaasibaddii uu Xilka kula wareegaysa.

Madaxweynaha ayaa markii uu Xilka u dhaariyey Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Wakhtigaa Gar-yaqaan Oomane, wuxuu jeediyey Khudbad kooban, taasi oo nuxurkeedu ahaa inuu Ummadda Reer Somaliland ku Maamuli doono Caddaalad iyo Sinnaan, waxaanu yidhi “Xilka Maanta Ummaddu ii igmatay waa Xil-weyn oo aad u weyn, waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu ii fududeeyo.”

Siilaanyo oo khudbaddiisa sii wata ayaa sheegay  “Waxaan idinka ballan-qaadayaa inay siday igu doorteen Ummaddu aan hormuud ugu noqdo, oo aan ku dedaalo oo aan u noqdo Qof u siman.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ii raaciyey “Waxaan ballan-qaadayaa inaan noqdo Qof Shacabka Somaliland ku dhaqo Caddaalad, kuna dedaalo Horumarkooda iyo Dhaqaalayntooda.”

Madaxweynaha Somaliland oo muddo-xileedkiisa oo ku ekaa Shan Sannadood loogu daray muddo kordhin laba sannadood ka badan, ayaa muddadii Xilka Qaranka hayey, waxyaabaha ugu waaweyn ee Xukuumaddiisu Dalka ka qabatay waxa ka mid ah in markii ugu horreysay Dalka Imaaraadka Carabta Somaliland laga siiyo Saldhig Milletari, halka Dekedda Berbera-na lagu wareejiyey Shirkad Magaceedu yahay DP World oo Maalgelin ku samaynaysa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...