Somaliland: Xogo Soo Baxaya Oo La Xidhiidha Xil Ka Qaadistii Shalay Madaxwayne Siilaanyo Ku Sameeyey Wasiirkii Xidhiidhka Golayaasha Iyo Tiknoolojiyada Somaliland+Muxuu Wasiirku Ka Yidhi Xil Ka Qaadistiisa?

Date:

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shalay galab xilkii ka qaaday wasiirkii xidhiidhka goleyaasha iyo tiknolaajiyada Md. Cali Xaamud Jibriil. Warsaxaafadeed madaxtooyadu soo saartay waxa lagu sheegay in xilkaas loo magacaabay Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo hadda ka tirsan xisbiga KULMIYE, ahaana wasiirkii u dambeeyay ee warfaafinta ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Qoraalka xil ka qaadista waxa lagu yidhi sidan “Mudane, Waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad soo haysay xilka qaranka ee Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Technology-yada. Xilalka Qaranka ayey dabcigood tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkaa, waxaanan kaa  rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso Mudane, Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo aan xilkaa u soo magacaabay.”

Maxaa dhacay?

Madaxtooyadu ma sheegin sababta keentay in wakhtigan xaasaasiga ah ee doorashooyinkii la sugyo xilka laga qaado wasiirka loo arko inuu yahay gacanta midig ee madaxweyne-xigeenka oo hadda dalka dibadiisa ku maqan. Wasiirka oo uu Geeska Afrika weydiiyay arrimaha uu u aanayn karo xil ka qaadistiisa  ayaa ku gaabsaday inaanu garanayn sababta waxaana si kooban u yidhi “Waa caadi xilka ka qaadistaydu.”

Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in madaxtooyadu Wasiir Cali ku qoonsatay arrimo la sheegay inay dhaceen intii uu madaxweyne Siilaanyo ku maqnaa dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne-xigeen Saylici oo wakhtigaas ahaa ku simaha madaxweynaha ayaa wasaaradaha iyo xarumaha dawladda ku sameeyay kormeer loo arkay mid firfircooni maamul keenay. Wasiir Cali Xaamud Jibriil ayaa si weyn uga dhex muuqday kormeeradaas.

Si rasmi ah looma oga in madaxweynuhu kala tashaday ku xigeenkiisa Saylici caydhinta ninkan ahaa gacantiisa midig. Laakiin warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in madaxweyne-xigeenku uu xil ka qaadista Wasiir Cali Xaamud Jibriil kaga war helay baahinta saxaafadda.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in xil ka qaadista wasiirkani noqon karto bilowga khilaaf ka dhex istaadhma madaxweynaha iyo ku xigeenka oo isagu ah murashax mar labaad u taagan isla jagadan uu hayo. Sababta koowaad ayaa ah in Wasiir Cali ahaa ninka ugu dhow ee la taliyaha u ah madaxweyne-xigeenka. Sababta labaad ayaa ah inaanay isku sin banaanayn madaxweyne-xigeenka iyo wasiirka xilka loo magacaabay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...