War Deg Deg Ah: Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Oo Hadda Gaadhey Degmada Taleex, Caawana U Hoyan Doona.

Somaliland: Kulmiye's Chariman Muse Bihi Addressing Speech To Thousands Of Sool Audiences

Waxa goor dhoweyd magaalada Taleex gaadhey guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Iyo waftigii uu hogaaminaayey oo maalmihii ugu dambeeyey socdaal ku maraayey goboladda Barriga Somaliland.

Waxaana guddoomiyaha iyo waftigiisa kusoo dhoweeyey magaalada Taleex ee xarunta gobolka Xaysimo dadweynaha kala duwan ee degmadaasi iyo oday dhaqameedka degmada Taleex.

Waxaanu guddoomiye Muuse Biixi ka jeediyey goobtii lagu doortay madaxweynaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay.

Waxa uu sidoo kalena dadka reer Taleex oo abaaro ba’ani ku habsadeen ugu deeqay booyado biyo ah iyo raashin uu halkaasi gaadhsiiyey,.

Waxaana socdaalkiisa ku wehelinaaya wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani .

Waxaana la filayaa inuu halkaasi caawa u hoydo, kulana la qaato odayaasha dhaqanka ee degmada Taleex iyo gobolka Xaysimo.

Comments

comments