Ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ayaa gelinkii dambe ee maanta gudaha u galay Degmada Tuka-Raq ee Gobolka Sool oo xarun Kastam canshuureed u ah Dowladda Puntland.
Goob jooge ku sugan magaalada Tukaraq ayaa Horseed Media u sheegay in ciidamadan Somaliland soo galeen magaalada iyagoo baacsanayey ciidamo ka tirsan kuwa Khaatumo oo ku sugnaa meel 10-Km u jirta Tuka-Raq, Ciidamada ayaa daqiiqado kooban ku sugnaa magaalada.
“Rasaas xoogan oo dhacaysa ayaan maqlayey xili galabta ah, waxaan ka war helnay ciidamada Khaatumo oo dhina Koonfureed magaalada ugabaxay, waxaana wakhti yar ka dib magaalada soo galay ciidankii baacsanyey ee Somaliland waxyar ka dib waxay ku noqdeen halkay ka yimaadeen” ayuu yiri goobjooge ku sugnaa Tukuraq
Ilaa hada dowladda Puntland kama aysan hadlin soo galida ciidamadan Somaliland Tuku-Raq, waxaana wararku sheegayaan ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Puntland ay u ruqaansadeen jiida hore ee dhanka Sool.