Somaliland: “Murashixiinta Waxa Looga Baahanyahay Inay Ku Tartamaan Barnaamij”

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay loolanka Xisbiyada, waxaanu ugu baaqay inay si nadiif ah oo bilaa turxaana ah u tartamaan, oo aan looga baahanayn inay dadka galiyaan abaabul qabyaaladaysan, waxaanu Musharixiinta ku tartamaya Doorashada Madaxtooyada ugu baaqay inay dadka u soo bandhigaan Barnaamujkooda siyaasadeed, oo ay ka dheeradan inay dadka ku kasbadaan reernimo iyo deegaanimo.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Sacad Cali Shire oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay dareenka Beesha Caalamka ee ku saabsan qabsoomida Doorashada, waxaanu tilmamaay in il gaar ah lagu hayo Doorashada Somaliland, haddii ay dhacadana in Ictiraafka wax weyn ka tari doonto, waxaanu ugu horeyn uu yidhi  “Waxa loo baahan yahay in la dhawro anshaxa Doorashada, lana raaco wixii lagu heshiiyey, oo aan dadka la gelin abaabul qabiilaysan, Axsaabta iyo Musharixiinta waxa looga baahan yahay inay ku tartamaan Barnaamuj, dadkuna uu ku doorto Barnaamujkooda, ee aanu ku dooran saaxibtinimo, reernimo iyo deegaanimo, waxaana muhiim ah in nabada la ilaaliyo, in wada jirka la ilaaliyo, Doorashada oo si xor iyo xalaal ah inoogu dhacdaa waxay wax weyn ka taraysaa Ictiraafkeena”.

Wasiir Sacad mar aanu wax ka weydiinay sida dareenka Beesha Caalamka ee dhinaca Doorashada ayaa yidhi “Wax kastaaba ilaa hadda sidii loogu tagalay ayey inoogu socdaan,wax walba muddadii loogu tagalay ayey inoogu qabsoomayaan, wax carqalad ah oo ILLAAHAY meel kale ka keeno mooye, sidaynu ku rajo weynahay, ILLAAHAYNA ka rajaynayno Doorashadu xilligeedii bay inoogu qabsoomaysaa, waxaana dadka looga baahan yahay inay kaadhka qaatan, oo waajibkooda ka soo baxaan, codeeyaana, inay nabada iyo wanaaga ilaaliyaan ayaa loo baahan yahay, midnimadana ilaaliyaan, Somaliland waa dal Dimuqraadiya, oo shuruud walba oo wadan looga baahan yahay fuliyey, Doorashooyinkii dib inooga dhacayna sabab la’aan inoogamay dhicin ee duruufo ayaa keenay dib u dhacooda, haddii ILLAAHAY yidhaahdana Doorashadani wey inoo dhici doontaa, ee Beesha Caalamka waxaan leeyahay Ictiraaf ayaanu marti idinka nahay”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...