War Deg Deg Ah: Goorma Ayu Guddoomiye Cirro Iska Cesilaye Golaha Wakiiladda Jsk

Musharaxa Xisbiga WADDANI Oo Si Adag Uga Hadlay Cunfi KULMIYE Bulshada Ka Dhex Abuurayo, Sheegayna Inuu Diyaar U Yahay Inuu Baneeyo Mansabka Golaha Wakiilada

“Asxaabta Waxaynu Bilawnay 2002-Dii Maantana Waa 2017-kii, Intaan Xasuusanahay Hore Umay Dhicin In Xisbi Guri Kiraystay Lagu Qabsato Ama Qaar Ay Ku Jiraan La Yidhaahdo Ka Baxa” Musharax Cabdiraxmaan Ciro

“Gurigaa Xisbiga Ee Gabiley Wali Wuu Deldelan Yahay, Nootaayo Sharci Ah Ayaanu Ku Kiraysanay, Wali Hadana Ciidan-baa Haysta, Malaha Waxa La Leeyahay Xisbigu Deegaanka Maaha, Xisbigu Deegaan Kasta Wuu Yahay” Musharax Cabdiraxmaan Ciro

“Cidii Xiisaha U Qabtay Inay Gudoomiyaha Wakiilada Noqoto Ha-U-Soo Diyaar-Garowdo” Musharax Cabdiraxmaan Ciro

Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa ku eedeeyey masuuliyiinta xukuumada Kulmiye ee gobolada dalku inay abuureen cunfi iyo foolxumo aan hore u jirin Somaliland oo ka dhan ah Xafiisyada, Calanka, Taageerayaasha iyo Masuuliyiinta xisbiga Waddani.
Musharax Cabdiraxmaan Ciro waxa uu sheegay in Xukuumada iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye inay ka dambeeyaan Xafiisyo xisbiga Waddani u kiraysan inay ciidamo dul dhigaan ama la saaro xisbiga iyo in calanka xisbiga la dajiyo, waxaanu arintaasi Musharaxu ku tilmaamay dhaqan fool xun oo aan hore u dhicin oo masuuliyiintaasi ay ku kacayaan.
Musharaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) waxa uu sidaasi ku sheegay Waraysi uu maanta siiyey Telefishanka STAR, kaas oo sidoo kale ka hadlay inuu diyaar u yahay inuu baneeyo Mansabka gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee uu hayo iyo siyaasiyiin miisaan leh oo maalinta barri ku soo biiraya xisbiga Waddani.
Ugu horaynta Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo ka hadlaya guryaha xisbiga Waddani kiraysto ee laga saaro oo uu ku eedeeyey masuuliyiinta xukuumada Kulmiye ee gobolada dalka ayaa waxa uu yidhi “Waxay ila tahay dhaqamadaasi waa wax ku soo kordhay nidaamka Somaliland weeyi hadda, Asxaabta waxa aynu bilawnay 2002-dii maantana waxaynu maraynaa 2017-kii, intaan xasuusanahay hore umay dhicin in xisbi guri kiraystay lagu qabsato ama qaar ay ku jiraan la yidhaahdo ka baxa oo looga saaro xisbinimada awgeed hore may dhicin.
Hargeysa ayay ka dhacday in xisbigu guryo uu kiraystay mulkiilayaashii ay yidhaahdaan ka baxa oo waliba sida la sheegayo iyagoo yidhi xisbiyada ka kirayn mayno hadana Kulmiye ka kireeyey, markaa dhaqankaasi waa dhaqan foolxun, waxaanan qabaa in dhaqankaasi la suuliyo oo la baabiiyo,
waxa ayaan daro ah in waliba dadka guryaha qabsanaya ay ka mid yihiin masuuliyiintii xukuumada ee gobolka joogay haday Badhasaab tahay iyo haday Maayar tahayba, gurigaa Gabiley wali wuu deldelan yahay, guriga nootaayo sharci ah ayaanu ku kiraysanay mafaatiixdii waanu haysanaa wali hadana ciidan baa haysta. Waxa la leeyahay xisbigu deegaanka maaha ayaa la leeyahay malaha mararka qaarkood, Xisbigu deegaan kasta wuu yahay, waxaanu ugu baaqaynaa dadka foolxumadaa ku kacay inay ka waantoobaan xisbigu meel kasta wuu ka kiraysan karaa, Kulmiye xaqbuu u leeyahay inuu deegaan kasta tago, in laga kireeyo, inaan lagu faragalin, waanaanu uga digaynaa masuuliyiinta xukuumada inay arimahaa asxaabta faragaliyaan, waa la sheegayaa guryo kale oo la doonayo in xisbiga laga saaro oo la faragaliyo.” Ayuu yidhi Musharax Cabdiraxmaan Ciro, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi “Waxa dhacday marar badan intaanu xataa safarka ku jirnay oo shalay ugu dambaysay in calamada xisbiga Waddani la yidhaa Kulmiyaa soo marayee ha laga furfuro meesha, markaa waxaasi wax hore u jiray may ahayn, curfi hore u jiray may ahayn, tartan xalaal ah ayaa la doonayaa.
Waxa kale oo dhaqan noqday maalmahan dambe in masuuliyiintii xukuumada ee goboladu ay Masuuliyiintii xisbiga Waddani ee gobolada aad u xidhxidhaan, taasina waxa ay meesha ka saari kartaa in si xalaal ah loo tartamo, taana waanu uga digaynaa masuuliyiinta arintaa ku kacda.
Xisbigu wuu u furan yahay dhamaan shacbiga Somaliland, way jirtaa saxaafaduna hadda way qorqortay, laakiin bari ayay hor iman doonaan shacbiga reer Somaliland masuuliyiinta ku soo biiraysa xisbiga, waa masuuliyiin culus oo reer Hargeysa ah oo xilal kala duwan qaranka ka soo qabtay iyo kuwo aan xilal soo qabaninba way ku jiraan, yaan ka hordhicine shacbiga reer Somaliland baribay indhaha ku kala qaadi doonaan raga waaweyn iyo hablaba way ku jiraane ee ku soo biiraya xisbiga.”
Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani mar la waydiiyey goorta uu banaynayo jagada gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, maadaama oo uu yahay musharax u tartamaya mansabka ugu sareeya Somaliland ee Madaxweynaha ayaa waxa uu yidhi “Waxaan is leeyahay su’aashaasina way badatay, Cidii xiisaha u qabtay inay gudoomiyaha Wakiilada noqoto ha-u-soo diyaar-garowdo.” Ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Ciro, Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani.

Comments

comments