Somaliland: “Marxuum Xildhibaan Xamse Maxamed Gaadaweyne Geeridaa Ku Timid Waxaan Ka Tacsidaynaynayaa Dhammaan Shacbiga Somaliland, Wuxuu Ahaa Wuxuu Ahaa Siyaasi Weyn Oo Miisaan Leh.” Wasiir Xaashi

Date:

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Saylici iyo Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayb galay aas qaran oo maanta Hargeys loogu samaayey marxuun Xildhibaan Xamse Maxamed Gaadaweyne.
Marxuunka oo ka mid ahaa mduanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland oo shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa, maantana lagu aa-say xabaalaha naaso hablood ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka ayaa sheegay in marxuun Xamse Maxamed Gaadaweyne uu ahaa siyaasi miisana weyn leh, isla markaana ma’da adag waxaanu guud ahaan shacbiga Somaliland ka tacsidadeeyey geerida ku timid waxaannu yidhi “Adoomo ILAAHAY ayeynu nahay dhammaanteena waynu dhimanaynaa, waynu kala horaynaynaa uun, ILAAHAY ayaa ka waramay oo yidhi nafkastaa geerida waa dhadhaminaysaa, geeridu wax laga carari karo maaha, inaynu yaqiinsano weeye, inaynu ku cibro qaadno weeye.”

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa ka sheekeeyey shaqsiyadii iyo taariikhdii Xildhibaan Gaadeweyne waxaanu yidhi “ Walaalkeen Xildhibaan Xamse Maxamed Gaadaweyne geeridaa ku timid waxaan ka tacsidaynaynayaa dhammaan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu ahaa qof xushmo iyo xurmo inaggu leh, wuxuu ahaa Xildhibaan qaran, wuxuu ahaa siyaasi weyn oo miisaan leh, wuxuu ahaa nin saraakiishii dawladdii Soomaaliya ka mid ahaa gaar ahaan Nabad suguda, wuxuu ahaa nin mab’da adag oo ku adag ma’da’iisa, wuxuu ahaa dadka la god-galay qaranimadan aamin-sanaanteeda. Somaliland wuxuu ka soo noqday Wasiir iyo xildhibaan, ixtiraam weyn ayuu naga mudan yahay, qarankana qadarina ayuu ka mudan yahay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalialnd qaran ayuu ka mudan yahay, ILAAHAY waxaanu uga baryeynaa dambi dhaaf iyo naxariis, iyo inuu janadii fardawsa ka waraabiyo, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...