Somaliland: Kooxda Wasaaradda Tamarta Oo Ku Guulaysatay Koobka Kubadda Kolayga Ee Hargeysa

Date:

Kooxda kubbadda Kolay ee u ciyaarta wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Somaliland ayaa markii saddexaad oo xidhiidh ah ku guulaysatay koobka kubadda Kolayga ee bisha Ramadaan oo sanadkasta lagu qabto garoonka Timo-cadde ee magaaladda Hargaysa.

Kadib markii ay caawa 32 dhibcood kaga badisay kooxda u ciyaarta ururka haweenka ee NAGAAD, oo ay isugu hadheen ciyaartii kamadanbaysta, taasi oo iyadna keensatay 30 dhibcood.

Tartankani oo uu soo qaban qaabiyay xidhiidhka kubbadda Kolayga, isla markaana muddo laba todobaad ah ka socday garoonka Timo-cadde, oo xalay la soo gebagabeeyay ayaa sanadkan lagu xusayay ALLE ha u naxariistee Marxmuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, oo ahaa xoghayihii hore ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Tartankaasi oo bilaabmay 15-kii bishan Ramadaan, ayaa intii uu socday waxaa ka qayb qaatay 8 kooxood oo ka mid ah kooxaha heerka koobaad ee kubbadda Kolayga ee ka dhisan caasimadda Hargaysa.

kollayga

Waxaana daawashadii ciyaartaasi ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale, agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye, guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (xuuto), la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhalinyaradda C/najax Siyaad Yoonis, safiirka Somaliland ee dalalka isu-taga Imaaraadka Carabta Danjire, Baashe Cawil Xaaji Cumar, iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Gebagabadii tartankaasi ayaa waxaa biladdo iyo abaal-marinno la gudoonsiiyay ciyaaryahanadii, masuuliyiintii iyo shaqsiyaadkii gacanta ka gaystay hirgelintii tartankaasi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...