Somaliland: Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Faro Galiyey Amniga Somaliland Iyo Xukuumadda Siilaanyo Oo Ka Amustay

Date:

Maamulka Muqdisho Oo Ciidamo Ka Qoranaya Gudaha Somaliland

Xildhibbaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid xildhibbaanada gollaha wakiillada ee laga soo doorto deegaanka Taleex ee bariga Somaliland ayaa ka digay ciidamo la sheegay in dawladda Soomaaliya ka qoranayso gobolada bariga Somaliland.

Xildhibbaan Saleebaan Cali Koore oo magaalada Hargeysa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aanay Somaliland diyaar u ahayn colaad cusub oo dhex-marta dalka Soomaaliya waxaanu yidhi “marka ugu horraysa waxa aan leeyahay dadka deegaankaa ka wada rabshadaha amma faro-galinta ku samaynaya Somaliland amma jecel inay arrintaa soo wadaan waxa leeyahay 26 sannadood ayuu qarankani dhismayay, ummadani colaad uma hayso Soomaaliya, markii ay isku yimaadeen oo ay tashadeen waxa ay go’aansadeen inay noqdaan qaran madax-banaan oo ka soo maxmiyadii Ingiriiska, dadkii deegaankaa ee lahaa xuduudahaa waxa ay go’aankoodii ku qaateen 1991-kii Burco waan dal taariikh ah oo soo jireen ah, waxa aan leeyahay ka waantooba dalka waliba bariga Somaliland deegaanada aan ka soo jeedo dhib ayaa lagu hayay dadka in badan, degenaasho la’aan ayaa lagu hayay in badan, hadda waxa aad moodayasay in labadii sanno ee u danbeeyay laga soo bogsanayay laakiin haddii lagu celiyo caabuqii waxa aanu u aragnaa in sababta loo leeyahay naxariis maaha waxa weeyi qayrkood ha ka hadheen dadkooda ha la baabiiyo yay wax baranin yaanay biyo helin yaan maamul ka hano qaadin, xuduudka Somaliland wuu gaadhsiisan yahay ma doonayno dhiig Soomaali oo daata diyaar uma nihin laakiin aqbi mayno dib danbe in ciddi inta ay iska soo gasho dhulkii aanu nabad-galyada iyo degenaasha ku soo celinay haddana fawdo laga abuuro”

Xildhibbaan Saleebaan Cali Koore oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin iyo tallo isku lamaan u diray Soomaaliya waxaanu yidhi “anigu waxa aan tallo ku bixin lahaa dalka Soomaaliya la yidhaa waa Soomaaliya ee dhista, dalka Somaliland la yidhaa waa Somaliland ee faraha ka qaada, xuduudka maanta Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeya aniga Saleebaan Cali Koore la yidhaa awawgay Koore ayaa sameeyay” ayuu yidhi Xildhibbaan Saleebaan Cali Koore.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu dhammaadka bishan bookhasho ku tago maamul gobolleedka Puntland, waxa aanu farmaajo ku soo beegay bookhashadiisa 19 guuradii ka soo wareegtay aasaaskii maamulka Puntland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...