Somaia: Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Puntland Oo Soo Dhaweeyey Go’aankii Ay Baarlamaanku Kalsoonida Kagala Noqdeen Gollahiisi Wasiiradda.

Date:

Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta shir saxaafadeed ku qabtey aqalka Madaxtooyada, kadib amrkii Golaha Wakiiladu ay xasaanadii kala noqdeen Golahiisi Wasiirada.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kahadlaya kala laabashada xasaanadda golaha wasiiradda Dawladda Puntland ayaa ku tilmaamay talaabada ay qadeen maanta golaha wakiiladda Puntland mid dastuuriya oo waajibaad kooda shaqo la taxaluqda.
“Sida aad lawada socotaan waxaa ay maanta oo taariikhdu tahay Talaado 18 July ,2017, ay golaha baarlamaanka Puntland kala noqdeen xasaanadii golaha Xukuumadda Dowladda Puntland , taasi oo ah arrin dastuuri ah oo waajibaad-kooda shaqo ah…:” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa xaqiijiyey inuu golihiisa Wasiiradda kusoo dhisidoono muddada uu ogolaanayo dastuurku, isla markaa waxa uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay inuu la tashan doono Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey.

“Taasi waxay i faraysa Madaxweyne ahaan in aan Golaha Xukuumadda kusoo dhiso, muddada uu ii ogolyahay Dastuurku, anigoo la tashanaya Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntlandsida uu qabo Dastuurka Puntland….” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...