“Dagaal Laga Cabsi Qabo Inuu Somaliland Iyo Puntland Uu Dhaxmaro Iyo Guutooyin Ka Tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland Ee Jiidaha Hore Ku Sugan Oo Heegan Culus La Galiyay + Sababta”
Sida ay sheegayaan wararka Xalay naga soo gaadhay magaalooyinka Caasimada u ah Goboladda Sanaag iyo Sool ee Laascaaanood iyo Ceerigaabo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Somaliland ee ku sugan jiiddaha hore ee deegaanada gobolada Bariga Somaliland ay heegan culus galeen,kadib Dhaq dhaqaaq la sheegay inay maalmihii u dambeeyay ka wadeen Ciidamada Puntland Xuduuda ay Labada Dal wadaagaan.
Wararka ayaa waxaa ay intaas ku darayaan in Ciidamadan heeganka culus galay ay dareemayaan dhaq-dhaqaaq iyo farogalin ay damacsan tahay in maamulka Puntland deegaanada xuduudaha ah ee gobolada Sool,Sanaag,iyo deegaamo kale kuwaasi oo ay doonayaan inay ka qoraan ciidamo dowladda taabacsan Dawlada Soomaaliya,arintaasi oo uu dabada ka riixayo Madaxweyne Farmaajo oo farogalin Culus mudooyinkan ka dhex wada Somaliland.
Xogaha ay warbaahinta Foore heshay ayaa sheegaya in xalay ay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ay ka baxeen dhawr guuto oo ciidamada Somaliland ah,kuwaas oo kusii jeeda deegaanada Xuduudka ah ee Somaliland,waxaana ay ciidamadani yihiin kuwo gaashaamaan. Ugu danbeyn waxa laga cabsi qabaa in deegaanada xuduuddda ah uu dagaal ku dhex maro ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland oo kaashanay Ciidamo Xoojin ah oo uga yimid Dhinaca Soomaaliya ee Muqdisho.
Madaxweyne Cusub ee Soomaaliya Farmaajo ayaa tan iyo intii uu Maamulka Xamar uu qabtay waxa uu raadinayaa inuu qas iyo jahawareer ka gaysto Somaliland,waxaana uu hadda la yimid Qorshe dhagaraysan oo uu Ciidamo maamulka uga dhex qoray Gudaha Carrada Somaliland.