“Miyaad Aragteen Waddani Oo Maalin Qudha U Jawaabaya Farmaajo,Hadaad Aragtaan Xisbi Jira Ayuu Noqonayaa,Heshiis Ayay Kula Jiraan,Muuse Oo Aad Codka Siisaan Waa Bad Baadinta Qaranka
Kulmiye Waxa Ka Sharaxan Muuse Biixi Oo Dalkan U Soo Halgamay Oo Taariikh Dheer Ku Leh,Oo Xuquuq Baddan Kuleh,Waad Maqlayseen Farmajo Inuu U Soo Hanjabayay Somaliland…”
Xildhiban Xasan Cabdi Cali (Xasan Shahar) oo ka tirsan Golaha Deegaanka Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa Weedho culus ku ganay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,Waxa uu ku tilmaamay inaanu daacad ka ahayn jiritaanka Qaranimada Somaliland waxaana uu su’aal galiyay sababta uu Xisiga WADDANI uga Jawaabi Waayo Aflagaadada Xamar inagu hayso iyo hanjabaadka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ku hayo Somaliland,Waxa uu sidoo kale sheegay in haddii Maruun la arko WADDANI oo Farmaajo u jawaabaya ay meesha ka bixi lahayd Xanta suuqa ku jirta ee isku tulaysa Xamar iyo Xisbiga WADDANI inuu Xidhiidh qarsoodi ahi ka dhexeeyo,siiba Farmaajo oo hore loo sheegay inay Kulan khaas ah ku yeesheen Nairobi Madaxda WADDANI.
Xildhiban Xasan shahar ayaa sidan ka sheegay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu u jeediyay 8 kooxood Oo kubadda cagta ciyaara oo Ka dhisan Magaalada Allaybaday oo uu u qaybinayay Garamaan iyo Kubaddo,waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Dhamaantood sideeda Kooxood ee Degmada Allaybaday waxa ay ahaan jireen Kulmiye,Waar Sidaasi miyaanay ahayn? “Haa,Haa,Haa”,Waad ogtihiin Xisbiga Kulmiye Waxa ka sharaxan nin Mujaahid ah,oo taariikh Dheer dalkan ku leh,oo Xuquuq baddan dalkan kuleh,oo deegaankeenan ka soo jeeda,Saw maaha,Yaynu dooranaynaa,Muuse Biixi ayaynu dooranaynaa,Waad maqlayseen Farmajo ninka la yidhaa inuu u soo hanjabayay Somaliland,Waxaynu u sheegaynaa adeerkii oo ka wayn oo geeska Africa ugu awood badnaa,inuu halkan ka tagay,Farmaajo maalintaasi waxa uu ahaa saraakiishii yar yaraa ee Maxamed Siyaad Barre Hoostaagnaa,Laakiin Muuse Nin garanaya maaha,Farmaajo hadii uu muuse Garanayo lamuu soo hadleen,Waxaanu u haynaa Farmaajo raggii dadkan iyo dalkan ka dhiciyay Cadawgii waynaa,ee isaga adeerkii ahaa, Somaliland way jiri doontaa,intiinan ayaa dhiiga shubi doonta iyo inta kale ee ka sii dambaysa,Mujaahidiintii shahiiday waxay u dhinteen inaan sharaf ku noolaano, Inaan madax Bannaani ku noolaano,inaad xoriyad ku noolaataan,”.
Waxa kale oo uu yidhi“Maanta Xorriyad ayaad ku nooshihiin,Allaybaday gudaheeda wixii ka dhici jiray hadii la idiinka sheekeeyo,waliba halkaasi aynu taaganahay,walaahi maqiyaasi karaysaan,Waxaan garanaynaa Maalin maalmaha ka mid ah Ninkii Dhaawaca ahaa ee Habeenimadii Hawlgalka halkan ka fuliyay,inta halkaasi laga soo jiiday isagoo dhaawac ah ayaa geedkaasi Baxarasaafka ah hoostiisa ina la geeyay Xabad Wajiga lagaga dhuftay,iyadoo Tobankun oo qof joogaan nin reer Allaybaday oo hadla waa la waayay,way dhici kari wayay in halkaasi maydkiisa laga qaado,halkan waa halkii dad weynaha reer Allaybaday lagu yidhi isfuul fuula,inankii caynkaas ina yidhi ayaa inoo soo bu’aya”.
Isagoo si toos ah ula hadlaya Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa waxa uu yidhi“Xisbiga WADDANI Miyaad aragteen isagoo maalin keli ah u jawaabaya Farmaajo, Hadaad aragtaan Xisbiga WADDANI oo Farmaajo u jawaabaya waa Xisbi Somalilander ah, qaranimadeena ayay ku tahay dhibic madaw,Xisbiga WADDANI iyo Heshiiska ay la soo galeen,Codkiinu waxa uu bad baadinayaa Qaranka Haddaad muuse Ugu ridaan,Qaranka Somaliland oo dhan ayaa ku badbaadaya Codka aad Muuse Siisaan,Waxaan idin leeyahay cida idinku dhex jirta ee kalena,waa inamadeenii,ha canaananina hana caayina eh si wanaagsan wax ugu sheega oo soo dhaweeya,Isku duubni ayaan idinku ogahay”.