Somaliland: Oday Dhaqameed Reer Hargeysa Oo Mixnad Iyo Fidmo Ku Soo Dhex Tuuray Beelaha Reer Somaliland “Muuse Biixi Miyaanu Ahayn Ninkii Xiniinyaha Haystay Ee Lahaa,Habar Yoonis-Ba Waanu Isasoo Aragnay,Macdale Waaba Ciidagale!!!”.

Date:

“baraha Bulshada Somaliland Oo Aad Loogu Qaadaa Dhigay Weedho Uur-Kutaalo Qabiil Xambaarsan Oo Ka Soo Yeedhay Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi Oo Ka Mid Oday Dhaqameedka Reer Hargeysa.

Oday dhaqameed reer Hargeysa oo lagu magacaabo Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi ayaa waxa ka soo yeedhay kalmado bulshadu aad ula yaabtay Shalay oo ka nixiyay oo baraha bulshada Muran Xoogan ka dhex abuuray,waxa uu Qaab anshaxa dhaqanka suuban ka baxsan u weeraray Musharaxa Xisbiga KULMIYE Muj Muuse Biixi Cabdi,isagoo soo qufay Uur-Kutaalo Qabiileed iyo Mixnad fidmo ka dhex abuuri karta Beelaha Walaalaha ee Wada Dega Gobolka Maroodi Jeex,Waxa uu sidoo kale ku booriyay dadka ku dhaqan Deegaanka Salaxlay inay ka ficil celiyaan dhacdo uu sheegay inay Hargeysa ka dhacday Wakhtigii Nabadaynta oo uu sheegay inuu kula kacay Muuse Biixi dadka deegaankaasi ku dhaqan.
Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi ayaa sidan ka sheegay maruu Shalay u sugnaa Deegaanka Salaxlay ee Koonfurta Magaaladda Hargeysa,Waxa hadaladii bulshada aadka uga nixiyay ee ka soo yeedhay ka mid ahaa“Ninka Maanta Doonaya Kulmiye ee Madaxweynaha ka doonaya ee Deegaanka “Salaxlay” leh Abti ayay ii yihiin ee beerlaxawsanaya,Waakii Buuryada u Haystay Walaashii iyo Habaryartii,ee sidaasi lahaa, Waar miyaanu kii ahayn,ma mid labaadbaa,Waar Muuse Biixi ninkii Khayriyada la taagnaa miyaanu ahayn,ee Buuryada sidaasi u hayay ee lahaa,Habaryoonis ayaanu aragnay, Macdale waaba Ciidagale,Waar miyaanu kii ahayn,Maxaa uu abti u sheegan waayay maalintii, waar waxaanu idin leenahay,waad arkaysaan,gacantiina ayaanay ku xidhan tahay Hiilku,Gacantiinuu Hiilku ku xidhan yahay ”.
Boqor Raabi ayaa doonayay inuu Bulshada Reer Salaxlay indhahooda ka jeediyay taageero ay u fidiyaan Musharax Muuse Biixi Cabdi,Balse waxa uu hadalkiisii abuuray muran Xoogan iyo in dib loo xasuusto dhacyooyin aan wax markhaati ah loo hayn oo Somaliland ka dhacay Wakhtigii lagu guda jiray Hubka dhigista iyo Nabadaynta ee uu soo afmeermay Dagaalkii Xoogagii SNM Kula jihaatamayeen Nidaamkii Afweyn Barre,waxaana uu hadalkiisa loo qaatay Boqor Raabi mixnad abuuro iyo inuu doonayo inuu beelaha Walaalaha ahi ee wadda Dega Gobolka Maroodi Jeex dhex dhigo Uur-Kutaalo Qabiil,Waxa uu isagoo hadalkiisa sii wata uu yidhi“Waxaan idin leeyahay oo aan runtii idinku celcelinayaa,Muuse Biixi maalintaa uu Buuryada Haystay,Ciidagale Waxa ay dareensan yihiin,maalintii uu lahaa Anigoo wax dila kara Duco qaadan maayo,Waar isku todobaad ayay ahaayeen,Buuryadaasi,Waar Buuryada miyaad ilawdeen,Waar Aqbali mayno,Waar Dareenkiina qaata”.
Lama garanayo sababta dhabta ah ee Boqor Raabi ku kaliftay inuu Wakhtigan soo qufo dhacdooyinkan bulshadda kala dilaya ee keenay muranka Madhalayska ah,balse waxa ka muuqata hadalkiisa inuu doonayo inuu olole lidi ku ah ku qaado Xisbiga Kulmiye,taasi oo looga baahan inuu iska ilaaliyo eryada Noocan oo kale ah ee fidmada iyo Naxliga wata ee ku soo noqonaya ama kala dilaya Dadka Walaalaha ah ee uu Oday dhaqameedka u yahay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...