Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Jimce ah shir Jaraa’id oku qabtay aqalka Madaxtooyadda magaalada Garoowe. SHirka jaraa’id ayaa Madaxweynuhu uga hadlay cashuuraha laga doonayo in ay muwaadiniinta reer Puntland bixiyaan.
Dr. Cabdiweli Gaas ayaa ugu horayn shacabka reer Puntland u sheegay in haddii aan cashuurta la bixinin aanay dawladdnimo jiraynin.
“…Waxaan rabaa dadka reer Puntland inaan ku wacyi gelino hadii aan cashuur la bixin in aanay dawladd-nimo jiraynin, majiro aduunka dal dawladd-nimadiisu shaqayso horumar gaara haddii aan shacuur la bixin, adduunka maahmaah baa jirta oo la istimaalo ‘wax la hubo cashuur iyo dhimashaa jirta’ taasina ay micneheedu tahay in dadku ay bixiyaan cashuurta, dawladdnimadana uu awelkeedu ka bilaabmo cashuur, kuna dhammaato bixinta cashuurta, dawladd-nimo ma jirayso, nidaam iyo kala danbayn ma jirayso, amni majirayo, horumar majirayo hadii aan cashuurta la bixinin…..”ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Maalmihii u danbeeyey waxaa ka taagnaa magaalada Bosaso in qaar kamid ah ganacsatadu ay xireen goobahoodi ganacsiga, kadib markii laga dalbadey dadka guryaha kirada ugu jiraa in ay bixiyaan canshuurta taas oo la isku maandhaafey cidda lagu lee yahay ma hantiilaha gurigaa mise waa qofka kiresystey, taas oo Madaxweynuhu ku sheegay shirkiisa saxaafadeed in lagu lee yahay hantiilaha guriga.
Ma jiro debni ka weyn oo laga galo dowladnimada cashuurta oo la diido
Madaxweynaha ayaa shirkiisi saxaafadeed ku sheegay in dawladda ay u taalo hawlo badan oo ay masuuliyadi ka saaran tahay, taas oo ay ka mid tahay sugida ammniga, bixinta mushaharaadka iyo horumarinta dalka, waxaana ay taasi suura gelaysaa marka ay iskaashadaan shacab iyo dawladduba. Madaxweynaha Puntland ayaa cadeeyey in shacabka Puntland aan laga qaadin wax cashuura ee keliya dawladdu ay qaado khidamaad yar oo dekedda ka soo xerooda, waxaana uu madaxweynuhu faahfaahiyey cashuurta ay ka doodayaan ganacsatadda magaaladda Boosaaso ay tahay 4% mid waajibtey hantiilaha gurriga (landlord) oo u dhiganta lacagta dollar-ka $28.
Madaxweynaha Puntland ayaa ganacsatada qaarkood ku eedeeyey in ay lacago baad ah ama canshuur siiyaan al-Shabaab waxaana uu yiri:
“….Waxaan idiin sheegaya oo aan ognahay kuwa intaas diidan oo dawladd-nimada shidaynayaa inay qaar kood Al-shabaab siyaan cashuur, nin ka raba Al-shabaab inuu siiyo cashuur dawladdana u diido shacuurta micneheedu Maxay tahay? micneheedu waxay tahay Al-shabaab waa dilikaraan laakiin dawladdu ima dilikarto imana xidhi karto weeye, qof ka noocaasi anaga wuxuu noola mid yahay dabcan Al-shabaab saas ayaan u qaadanaynaa, waa qof raba inuu dalkan dhaxal wareejiyo kuna wareejiyo Al-shabaab, saas anoo u sheegay dadka shacabka ah ee reer Puntland Gaalkacayo ama Badhan hajoogaane waa dad aaminsan dawladd-nimada.
Ugu danbayntii, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Puntland kula dardaarmay kuna booriyey in ay nidaamka dhawraan, inay midnimadoodda adkaystaan, in cidii shidda wadda ay ka horyimaadaan iyo in cashuurtu waa waajibe ay bixiyaan.