Somalia: Raysalwasaare Xasan Kheyre oo booqday Goobweyn iyo Jaamacadda Kismaayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaaliga ah Mudane Xasan Cali Khayre oo weheliyaan xubnaha Golaha Wasiirada iyo Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islan ayaa kormeer ku tagay deegaanka Goobweyn oo dhaca waqooyiga magaalada kismaayo, halkaas oo isaga darsamaan Wabiga Jubba iyo Badweynta India, waxana uu R’aiisul Wasaaruhu la kulmay qeybaha bulshada ee ku dhaqan deegaanka Goobweyn.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale tagey Jaamacadda Kismayo oo xarun u ah Ciidanka Isku dhafan ee Dawladda, waxana uu kula dar-daarmay Ra’iisul Wasaaruhu in laga shaqeeyo danta guud, ciidankuna ay u diyaar garoobaan sido deeganada ay maamulaan shabaab looga xoreyn lahaa.

 

Comments

comments