Somalia: Dahabshiil Group oo maanta anbabixisey qaar ka mid ah qaxootiga ka soo qaxay Yemen

Waxaa maanta Dahabshiil Group si wanaagsan ay u anbabixisey qaar kamid ah dadkii ka soo qaxay dagaalada Yemen, waxaana ay siisey dhaqaale iyo tasiilaad ay ku tagaan gobolada ay ka yimaadeen markii hore.

Tirada qaxootiga ee la anbabixiyey ayaa gaaraya 300 qof oo isugu jiray rag carruur, dumar iyo dad da’ ah, waxa ayna ku wajahan yihiin magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

IMG_87371

Dahabshiil Group oo ka kooban shirkadda isgaarsiinta Somtel, xaawalada dahabshiil iyo bangiga dahabshil ayaa sidoo kale dadka siisay lacag ay jidka ku maraan.

Maareeyaha guud ee shirkadda Somtel Puntland Sayid Maxamad Cabdulle oo ugu horeyn ka hadlay madasha ayaa shegay Dahabshiil Group oo ka duuleysa masuuliyadda ka saaran shacabka ayaa waxa ay go’aansanay in aan taakulayno qaxootiga isla markaana anbabixino.

Intaa kaliyah ma ahan waxa Dahabshiil Group ay ugu deeqday qaxootiga, waxaa jira teendooyin la siiyey qaxootiga, guryo leh mukeef iyo internet ayaan u dhisnay ayuu yiri Sayid Maxamad Cabdulle.

[audio_mp3 url=”http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2015/06/sayid.mp3″]

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay gudoomiyaha gudiga gurmadka qaxootiga Sheekh Axmad Yuusuf Daad oo sheegay in Dahabshiil Group mar walba ay ka qeyb qaadato barnaamijyada lagu tabarucayo dadka dhibaataysan.

[audio_mp3 url=”http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2015/06/dad.mp3″]

Isuduwaha wasaaradda arimaha gudaha ee gobalka Bari Maxamad Axmad Maxamuud oo ugu dambeen ka hadlay xafladda ayaa u mahad celiyey Dahabshiil Group sida wanaagsan ay uga qeyb qaadatay gurmadka loo fidanayo qaxootiga.

[audio_mp3 url=”http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2015/06/isuduwe-Copy.mp3″]

Si kastaba ha ahaatee Dahabshiil Group ayaa caan ku ah u gar-gaarida bulshada tabaaleysan, waxaana ay ka qayb-qaadataa arimaha bini’aadanimada.

 

Comments

comments