Deg Deg: Weerar Lagu Diley Afhayeenkii Ururka Al-Shabaab Cali Dheere

Date:

Warar dheeraad ah oo ay qortey shabakadda wararka dhanka Mileteriga iyo Amniga ee SOFREP ayaa sheegtey in ay heshey xog gaar u ah oo sheegaysa in la diley afhayeenkii ururka al-Shabaab Cali Maxamuud Raage oo la yaqaaney Cali Dheere.

Habeenkii Arbacada ayaa ciidamo Maraykan ah iyo kuwa Gaashaan ee sida gaarka ah u tababaran weerar ku qaadeen Tuulada Kuunya Barrow oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose. Weerarkan waxaa xaqiijiyey ciidamada Maraykanka, sidoo kale waxaa xaqiijiyey warbaahinta ururka al-Shabaab oo sheegtay in ay iska difaaceen.

SOFREP ayaa sheegtey in loo xaqiijiyey dilka Cali Dheere afhayeenkii al-Shabaab laakiin ma aysan sheegin cidda ay ka soo xigatey. Ma jiro wax war ah oo ka soo abxay al-Shabaab, mana jirto cid kale oo xaqiijin karta dilka Cali Dheere ee SOFREP ay sheegtay.

Ma cadda weerarkan cidda bartilmaameedka ku ahaa waxaase la aaminsan yahay in halkaas ay ku sugnaayeen saraakiil sarsare oo ka tirsan al-Shabaab.

Maraykanka ayaa horey duqeyn ugu diley sarkaalkii u sareeyey al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, waxaana ay xaqiijintiisu ku qaadatey muddo todobaad ah.

Xarunta Gaashaandhigga Maraykianka iyo ciidanka Soomaaliya ayaan weli ka ahdlein miraha weerarkii Kuunya Barrow.

https://t.co/1jZuMwfK21

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...