Deg Deg: Saldhig militery Oo Laga Furanayo Dalka Djabouti Iyo Cida Ka Furanaysa Iyo Maraakiibta Dagaal Oo La Soo Dhigi Doono Xudooda Somaliland Ee Saylac Iyo Khatarta Ku Soo Wajihan Somalilad

Deg Deg: Saldhig militery Oo Laga Furanayo Dalka Djabouti Iyo Cida Ka Furanaysa Iyo Maraakiibta Dagaalka Oo La Soo Dhigi Doono Xudooda Somaliland Ee Saylac

Waxaa ku soo wajahan dalka Jibouti laba markab oo waaweyn oo militery oo ka soo shiraacday saldhiga militeryga dalka China ee magaaladda Zhanjiang, labadani markab ayaa waxaa la socda askar tiradooda lagu qiyaasay ilaa 4 kun oo askari kuwaasi oo ah unugii ugu horeeyay ee ciidamadda shiinaha oo saldhig weyn oo militery ka samaystay salka Jibouti.

Saldhiga militeryga ee Shiinahu ka samaystay dalka Jibouti ayaa waxaa uu ku kacay 500 million oo dollarka maraykanka ah.

Balse Washington oo iyaduna saldhiga ugu weyn ee Afrika ku leh Jibouti ayaa walaac weyn ka muujisay saldhigan China ee dalka Jibouti, iyagoo sheegay inay khatar ku tahay ciidamadda maraykanka iyo hawlgalka USA ee Jibouti.

Afar mudane oo laba ka tirsanyahiin guddida difaaca ee Congress ka maraykanka ayaa soo jeedinaya in maraykanku ka guuro Jibouti, isla markaana uu helo qalcad kale oo gobolka ku taalla.

Comments

comments