Somaliland: Wafti uu Hoggaaminayo Guddoomiye Muuse Biixi Oo Lagu Soo Dhaweeyey Deegaannada Cadow Yuurura, Cali Saahid iyo Ceeg

Date:

Gudoomiyaha xibsiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalooyinka cadow yuurura, Cali Saahid iyo Ceeg oo dhammaantooda ka tirsan gobolka Togdheer, waxana ay shacabka halkaas ku dhaqani muujiyeen taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE.
Guddoomiyaha iyo waftigiisa oo safar ay ugu guur gelayaan qaadashada kaadhadhka codbixiyayaasha oo gobolka Togdheer ka socda, ayaa si weyn uga mahad celiyey soo dhaweynta ay dadyowga deegaanadaas ku dhaqani u sameeyeen, waxana sheegeen in xukuumadda ka dhalatay xisbiga KULMIYE ay diyaar u tahay sidii ay horumar ballaadhan uga geysan lahayd goobahaas, isla markaana u dabooli lahayd wixii baahiyo ah ee ay qabaan.
Maamulka magaalooyinka iyo masuuliyiin kale oo kasoo jeedda deegaamadan oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa si weyn xukuumadda KULMIYE ugu ammaanay waxqabadka ay gebi ahaanba dalka ka hirgelisay, waxana ay codsadeen in laga taageero dhinacyada kala duwan ee nolosha Bulshada oo ay tilmaameen inay waxoogaa tabashooyin ahi ka jiraan,

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...