Somaliland: Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Si Weyn Looggu Soo Dhaweeyey Degmooyinka Sayla, Balli-Cabane iyo Gumburaha

Date:

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminaayey oo muddooyinkii dambe socdaal ujeedkiisu yahay wacyi-gelinta qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta ku maraayey goballada ay ka bilaabantay qaadashada kaadhka codbixinta ee Togdheer iyo Maroodi-jeex, ayaa shalay si weyn looggu soo dhaweeyey deegaanada degmooyinka Sayla, Balli-cabane iyo weli ba Gumburaha ee gobalka Hawd.
Socdaalka weftigan guddoomiye Cirro oo ay ku wehelinaayeen saraakiil sare sare oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, ayaa waxa degmooyinkaas iyo weli ba deegaanaddaas ba ku qaabilay oo kaga hor yimi siyaasi Baashe, suldaanka guud ee beelaha Ayuub, Ugaaska guud ee Beelaha Ayuub, siyaasi Xamarje, Xildhibbaan Bashiir Tukaale iyo weli ba sida oo kale dad weyne iyo taageerayaal aad u tira badan oo ka soo jeeda deeganaddaasi.
Qaar ka mid ah dadweynahii ka hadlay magaalooyinkaas la maray, ayaa dhammaantood sheegay in ay ku faraxsan yihiin socdaalka guddoomiye Cirro oo ay sheegeen in uu yahay ninka keliya ee ku habboon talada dalka isla mar ahaantaana aanay diyaar u ahayn in ay hoggaaminta dalka gacanta u geliyaan nin dadka kala foggeynaaya.
Siyaasi Xamarje, Xildhibbaan Bashiir Tukaale iyo weli ba siyaasi Jamaal Hurre oo dhammaantood ba iyagu na ka hadlay deegaanaddaasi, ayaa sheegay in dadka deegaankani ay taageersan yihiin Xisbiga WADDANI u na diyaar yihiin ka qeyb-qaadashada isbedel dhaba oo ka hana qaada dalka.
Siyaasi Baashe Axmed Yusuuf oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu waaweyn ee ka tirsan Xisbiga WADDANI sida oo kale na ka soo jeeda deeganka Sayla oo halkaas kala hadlay dadweynaha, ayaa ugu horreyn ugu baaqey in ay qaataan kaadhka diiwaan-gelinta codbixinta Doorashada, waxaana uu cod dheer ku sheegay in dadka deegaankani ay taageersan yihiin Xisbiga WADDANI.
“Aad iyo aad baan idiin kaga mahad-naqayaa sida sharafta iyo milgaha leh ee aad u soo dhaweyseen Murashax WADDANI iyo weftiga uu hoggaminaayo ba, waxa aan idiin sheegayaa guddoomiyahu isaga oo Burco jooga ayuu idinka awgiin idiin ku soo baqoolay degmada Sayla isaga oo ogsoon ahmiyadda iyo muhiimadda aad qaranka u lee dihiin degmo ahaan , waxaana aan guddoomiyaha lee yahay adiga na sida aad u karaameysay dadka ee aad safarka intaa leeg ugu soo gashay awgeed baanu kuu karaameynaynaa. Intaa ka dib dadweynoow waxa aan idin ku dardaarayaa in aad kaadhka qaadataan oo maanta waa maalintii ugu dambeysay, waa in aad kaadhka qaadatana si aada degmadiina iyo qaranka ba aad ugu hiilisaan.”.Ayuu yidhi Baashe Yuusuf
Suldaanka guud ee Beelaha Ayuub oo isna halkaas ka hadlay,ayaa waxa uu yidhi:- “Halkan waxa aan ku soo dhaweynayaa Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo aan anigu maanta odhan karo ba waa Madaxweyne. Waxaanan dooneynaa in uu noqdo kii ka shaqeyn lahaa in uu la dagaalamo qabyaaladda iyo musuqmaasuqa dalka ka jira, waxa aan ugu duceynayaa in Alle uu ka dhigo kii la dagaalam cadaalad darada, sicir-bararka dalka ka jira oo ay rag mas’uul ka yihiin. idinka na waxa aan idiin ku baaqayaa in aad si diiwaan-gelisaan.”.Ayuu yidhi Suldaanka guud ee beelaha Ayuub
Ugaaska guud ee beelaha Ayuub oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi:- “Maanta dadk reer Sayla waxa aan uga mahad-celinayaa sida qiimaha badan ee ay illaa maanta u sugaayeen soo dhaweynta weftiga, waxaana aynu halkan u joognaa in aynu caddeyno mabda’ eena aynu ku raacnay WADDANI oo runtii xisbiyada lagu raaco laba arrin mid uun oo kala ah in qaar caloosha ku raacaan, qaar na ay caqliga ku raacaan laakiin inagu caqliga ayeynu ku raaceynaa, waxaana aynu halkan guddoomiyaha ugu cadeynaynaa in aynu si weyn u taageersanahay oo waxa aynu hayno ee maal, cod iyo cudud ba aynu la garab taagan nahay.”.Ugaaska guud ee beelaha Ayuub
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo isna la hadlay dadweynaha, ayaa ugu horreyn u mahad-celieyey, waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay imaashiyahiisa degmooyinka Sayla, Balli-cabane iyo Gumburaha.
“Dadweynaha ku dhaqan degmooyinkan aad iyo aad baan ugu mahad-celinayaa sida qiimaha badan ee aad noo soo dhaweyseen, waxaana aad muujinaysaa taageeradiina Xisbiga WADDANI. Anagu umaanan soconin olole, se waxa aanu u soconay in aanu idin ku wacyi-gelino qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta, taas baana aad wax ku bedali kartana Xisbiga WADDANI na aad wax ku tari kartaan.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...