Liberiya: Iskuuladii oo dib loo furay

Iskuulada Liberiya ayaa dib loo furayaa maanta, toddobo bilood kadib markii la xiray si loo xakameeyo cudurka Ebola.

Tirada dadka cusub ee uu cudurka ku dhacay ayaa aad hoos ugu dhacday, iyadoo tiro yar toddobaadkii hore la soo sheegay.

Wasaarada waxbarashada ee Liberiya ayaa sheegtay tirada ardayda fasalka in lagu xadidi doono konton arday, si looga hortago cudurka inuu faafo.

Wariyaha BBC ee Liberiya ayaa sheegaya in ilmaha badankood ay ku faraxsan yihiin inay inay ku soo noqonayaan iskuulka, inkastoo dadka qaar ay dareemayaan in iskuulka la furay si dhaqso ah.

Comments

comments