Waa Kuma Ninka Ugu Nadaafada Iyo Xaragada Badan Ragga Suuqyada Adduunka Wareega Ee Wax Iibiya ?

Guud ahaan Adduunka waxa jira dad Duruuftu ku kaliftay inay Suuqyada wareegaan isla markaana wax iibiyaan waxaanay dadkaasi ku dedaalaan inay tagaan goobaha ay Dadku ku badan yihiin iyo waddooyinka waaweyn si ay jaanis ugu helaan inay dadka baabuurta saaraan waxa uga iibiyaan inta ay Ishaaradu hayso waana arrin caan ka ah guud ahaan Dunida, haddaba dadka noocaasi ah ayaa had iyo jeer waxay wax iibiyaan iyaga oo aan daryeelin naadafada dharkooda amase quruxdooda, sidoo kale waxa lagu eedeeyaa in alaabta ay sidaan ay tahay alaab aan lagu kalsoonaanin Karin. Haddaba, Nin magaciisa la yidhaahdo Elton Manuel da Silva ayaa arrintaasi beeniyay waxaanu had iyo jeer wareegaa Suuqyada Dalka Brasil isaga oo u labisan sida ay u labistaan Shaqaalaha ka shaqeeya Shirkadaha iyo goobaha Suuqyada ee waaweyn waxa aanu maalin dhan wareegaa cadceeda si uu qoyskiisa ugu helo waxay cunaan, waxaana la sheegay inuu yahay ninkaasi ninka ugu nadaafada iyo xaragada badan Dadka Suuqyada wareega ee wax iibiya qofka arkaana waxa uu moodayaa inuu yahay nin ka shaqeeya meel haggaagsan oo aan suuqyada wareegin.

Comments

comments