Taleefanka Gacanta Oo Loo Isticmaali Karo Fure Guri !

Furaha Guriga ama qolkaagu waa shay uu qof kastaa aad u ilaashado mana jecla inuu ka lumo ama uu meel kale ku iloobo, laakiin had iyo jeer furayaasha gacanta lagu qaato waxay halis u yihiin inay si fudud u lumaan, haddii qofku uu ku nool yahay magaalo weyn oo isaga oo suuqa dhex maraya ay ka lumaan dhibaatadeeda ayay leedahay.

Haddaba, inaga oo og heerka Tiknoolajiyadu haatan  marayso Adduunka ayaa waxa la filayaa in dhawaan la soo saaro adeeg cusub oo lagu soo kordhinayo Teleefanada gacanta, kaasi oo qofka ku shubtaa Teleefankiisa u fududaynaya inuu ka dhigto Muftaaxa gurigiisa amase Aqalkiisa, adeegan oo aan ilaa iyo haatan wax faahfaahin ah laga soo saarin qaabka uu u shaqaynayo ayaa waxa lagu tijaabin doonaa Hotelka Caanka ah ee Hilton, waxaana fikirkaasi keenay madaxda Hotel-kaasi, waxa kale oo adeegan lagu tijaabin doona toban Hotel oo ku yaalla Dalka Britain.

Adeegan ayaa noqon doona mid qofku uu kaga maarmo furihii uu gacanta ku qaadan lahaa, kaasi oo khubarada soo saartay adeegani ay aaminsanyihiin inuu ka wanaagsan yahay  mafaatiixdii caadiga ahaa ee gacanta lagu qaadan jiray.

Comments

comments