Somaliland: Xukuumadda Somaliland Oo Xorriyadoodii U Soo Celisay Kooxdii Saaciduunal Bil-xaq

Date:

Xukuumadda Somaliland ayaa xorriyadoodii usoo celisay culimadii la tirsanayd urur Diimeedka Saaciduunal Bil-xaq, kuwaas oo ay ciidamadda Booliiska Somaliland afar xubnood oo ka mid ah xabsiga u taxaabeen.

Xubnaha kooxda Saaciduunal Bil-xaq ayaa Suuqa lagu arkay iyada oo aanay xukuumadda Somaliland soo dayntooda sababin, maadaama markii la xidhay xukuumadda Somaliland usoo jeedisay Eedo la xidhiidha inay khatar ku yihiin Dalka.

Sidoo kale, Xubnaha la soo daayey ayaan iyana dhinacood ka hadal qaabka loo soo daayey, hase yeeshee sida Waaheen Xogta ku heshay waxa xorriyadooda loo soo celiyey ciidal Fidrigii, iyada oo aan wax danbi ah lagu helin.

Ma jirto Maxkamad iyo Digreeto Madaxweyne oo kooxdan lagu soo daayey, maadaama Eedaha culus ee loo adeegsaday xadhigooda ay ahayd Xukuumadda Somaliland inay caddayso. Ama shacabka ka raali-galiso talaabadii ay ku qaaday Muwaadiniintan.

Xubnaha Saadicuunal Bil-xaq oo ah Aqoonyahano Reer Somaliland ah, Jaamacadaha Dalkana wax ka dhiga ayaa warbaahinta u sheegay inay taageersan yihiin masuuliyiin dhawr dal kaga dhawaaqay Ururka ay Somaliland u xidhay, taasoo ahayd sababta loo xidhay.

Xadhiga Culimadan ayey dad badan aaminsanaayeen inay Xukuumadda Somaliland ku deg degtay, waxaanay tusaale u soo qaadanayey inay ku haboonayd inay u daristo sidii maamulka Puntland ula macaamiileen oo kale oo ay ahayd inay Xog rasmi ah ka helaan isla markaana haddii ay u cadaato khatarta ay leeyihiin marka la arko talaabo laga qaado.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...