Somaliland: Guddoomiyaha KULMIYE Oo Suuqyada Burco Dhex Mushaaxay, Shacabkana La Shaaheeyey

Date:

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Burco kala shaaheeyey maqaaxiyaha laga qaxweeyo.
Guddoomiyaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah hoggaanka sare ee KULMIYE, ayaa goobo kala duwan oo magaalada Burco ku yaalla shacabka kala qaxweeyey, waxana ay si hufan oo saraaxad leh u sheekayasteen dadweynaha ku dhaqan magaalada oo si weyn usoo dhaweeyey, farxad weynna ka muujiyey sida uu guddoomiyuhu fadhigooda ula wadaagay.
Soo dhaweynta ay shacabka ka shaaheynayey suuqyada magaalada Burco, gaar ahaan maqaaxiyaha Cawaale Suqaar iyo Qudhaca, waxa ay guddoomiyaha kaftan iyo sheekooyin googoos ah fadhiga ku wadaageen odayaal iyo waxgarad halkaas ku sugnaa, waxana ay ka mahad celiyeen booqashada boholyowgu ka muuqdo ee uu guddoomiyuhu shacabka kula wadaagay fadhigooda.
Xubno isugu jira wasiirro, xildhibaanno iyo madax-dhaqameed halkaas hadallo kooban ka jeediyey, ayaa guddoomiyaha uga mahadnaqay sida uu shacabkiisa ugu dhex jiro, isla markaana diyaarka ugu yahay inuu xaaladahooda hoose la wadaago.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo kelmado kooban oo waano iyo wax u sheeg ah u jeediyey shacabkii ku sugnaa goobaha inaanay xisbiyadu ahayn meel lagu colaadtamo, isla-markaana danta guud ee la wada leeyahay wax walba ka sarrayso, waxana uu yidhi,“xisbiyada kii soo baxaaba waa keenee, laakiin dadku yaanay xisbiyada u qaadanin meel lagu colaatamo, la isku caayo oo lagu kala fogaado, dhammaaanteen wada Somaliland baynu wada nahay, danta dadkeenana waynu wada ilaalinaynaa.”
Ugu dambayntii waddooyinka iyo suuqyada kala duwan ee magaalada Burco, ayuu guddoomiyuhu socod kusoo maray, waxana dhammaanba goobaha u tegay si hufan ugu soo dhaweeyey dadweyne tiro badan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...