Ethopia: Dawladda Itoobiya Oo Ka Digtay Khatar Ka Dhalan Karta Khilaafka Dalalka Khaliijka.

Date:

Raysal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ka digay in muranka u dhaxeeya dalalka Khaliijku uu degenaansho la’aan u keenayo Geeska Afrika.

Isaga oo baarlamaanka u jeedinaya khudbad laga baahiyay telefishinka dawladda ee EBC, ayuu Hailemariam sheegay in Itoobiya ay rajaynayso in muranka lagu dhameeyo wada xaajood, isaga oo sheegay “in aysan su’aal ka taagnayn” in ay Itoobiya saamayn wayn ku yeelan doonto haddii uu gobolko qasmo.
Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay taageersan tahay dadaalada ay Kuwayd ku doonayso in ay ku xaliso khilaafka.

Dalalka Geeska Afrika ayaa taariikh ahaan calaaqaad dhaqaale, mid milatari iyo mid siyaasadeedba la leh dalalka Khaliijka.

Waxaa sidoo kale gobolka mara Badda Cas, oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah, iyadoo ay sii maraan maraakiibka shidaalka ka qaada Khaliijka ee u socda Yurub.

Bishii hore ayay ahayd markii ay Qadar ciidammadeeda kala baxday xuduudda lagu muransan yahay ee u dhaxaysa Eritrea iyo Jibuuti, arrintaas oo ay u badan tahay in ay sababtay ka dib markii ay dalalkani la safteen Sacuudiga markii uu soo if baxay khilaafka Qadar.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...