“Odayaasha Madasha Wa-datashigu Sharci Maha Waxaa Xisbiyada Mucaaridka Ah Loo Sameyay In Aan La Arag Koox, Urur Ama Qof Meel Ka Qaylinaaya”. Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Ee JSL.

Date:

Axmed-Y.-Yaasiin

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland, Mud. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sheegay in aanay sharciga melena ka soo galin odaaysha isku magacaabay Ma dasha Wadatashiga,   sidoo kale wuxuu Madaxweynwe ku-xigeenkii hore cadeeyay maruu Saxaafadda u waramaayay in ujeeda loo sameeyay axsaabta siyaasadda ay ahayd in aan la arag qof ama koox meel cidlo ah ka qaylisa waa siduu hadalka u dhigaye.

Mud. Axmed Yuusuf Yaasiin Mar uu ka hadlaayey Madasha Wada-tashiga ayaa waxa uu yidhi “Marka hore Madasha Wada-tashigu sharci maaha, Xisbiyada Mucaaradka waxa loo sameeyey in aan la arag koox, urur ama qof meel ka qayliya, Xisbiyada waxaa Sharci siiyey Dastuurka, waxa aanay ka mid yihiin haykalkii dawladnimo, wixii intaas ka baxsanina sharci ma’aha, ee waxa aan kula talin lahaa Madasha Wada-tashiga inay ku biiraan Xisbiyada Mucaaradka ama Xisbiga Muxaafidka si aynaan u kala socon” .

Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin oo uu Mud. Axmed Yuusuf Yaasin ka aha Madaxweyne ku-xigeen waxay tallaabo cad ka qaaday ururkii Qaran oo ay wakhtigaas ku dhawaaqeen Siyaasiyiin miisaan culus laha, iyadoo Xukuumaddii Daahir Rayaale xabsiga u taxaabtay sheegtayna inay sharciyada dalka ka hor imanayeen. Taas oo keentay inay ku biiraan Xisbigii KULMIYE oo ay wakhtigaas ku dabo fayleen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...