Deg Deg: Hoggamiye Xirsi Oo Farrin Hawda U Soo Mariyey Dhigiisa Maxamuud Xaashi Iyo Cali Mareexaan Oo U Hanjabay

Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Oo Dhalinyarada Ku Booriyey Inaanay Lumin Xuquuqda Dastuurku U Siiyey In Cida Ay Doonaan Doortaan, Laguna Beerlaxawsan Talada Reerku Meel Weeyi

“Qof Walowba Xor Baad Tahay, Oo Hooyadaa Waxay Ku Dhashay Adiga Oo Xor Ah, Hadaad Reer Ka Soo Jeedo Reerka Waxbaa Idinka Dhexeeya Oo Waa Magta, Siyaasadana Nidaam Dastuuriya Ayaynu U Samaysanay” Hogaamiye Xisbiga Waddani, Mr Xirsi

Hogaamiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa hadal uu ka jeediyey munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo xisbiga Waddani ay ku taageerayeen dhalinyarada Bariga Burco ee dalada Ma-hiigaan oo lagu qabtay maanta magaalada Burco.
Hogaamiye Xirsi ayaa sheegay in loo baahan yahay in dhalinyarada Somaliland gaar ahaana dhalinyarada Bariga Burco aanay lumin xaq dastuurku u siiyey inay cida ay doonaan doortaan, isla markaana aan lagu beerlaxawsan in talada reerku meel tahay.
Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu tilmaamay in talada reerka la yaqaano oo ay tahay Magta iyo arimahaasi, bale marka ay tahay doorasho iyo dimuqraadiyad qof kastaaba uu xaq u leeyahay in cida uu doono doorto oo dastuurka Jamhuuriyada Somaliland uu damaanad qaaday.
Hogaamiyaha Xisbiga Waddani, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ugu horayn aad ugu mahadnaqay dhalinyaradaasi iskood isku soo abaabulay ee damcay inay muujiyaan xaqa taageeradooda cida ay doonayaan inay siiyaan ee ku soo biiray xisbiga Waddani ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Waxaan jecelahay in aan si gaar ah u hambalyeeyo dhalinyarada Ma-hiigaan ee soo agaasimay kulankan, aadbaan idiin salaamayaa idiina hambalyeynayaa. Mahiigaan iyo magaca doorashadiisu, waxa ay soomaalidu ku maahmaahdaa ‘guryo samo iyo lama dago mid walba magaciisa ayaa lagu dagaa’, bal u fiirso dee Ma-hiigaan waa ma-hiigaan.
Xisbigan aynu wadnaana waa Waddani, Waddani dee maxaa dhaafsiisan, dadku waa Waddaniyiin inana waxaynu nahay Waddani, markaa waxa weeyi guryo-samo iyo lama-dago mid walba magiciisa ayaa lagu dagaa.
Waxaan aad iyo aad idiinku hambalyeynayaa oo aan idinku soo dhaweynayaa kuna faraxsanahay in aad ku soo biirtaan xisbiga Waddani, dhalinyaradiina agaasintay, is abaabushay.
Runtii waxaan aad u xusayaa mid hore loo xusay ayaan aad culays u saarayaa, dhalinyaradiina aqoonyahanka ah ee garashadooda iyo aqoontoodu keentay xisbiga ayaa laga yaabaa in badan oo ka mid ahi inay codkiina quudhsadaan ama garashadiina quudhsadaan ama go’aankiina quudhsadaan oo ay yidhaahdaan hadii aanu reer hebel nahay odaygii hebel baa yidhiyoo qofna meel uma baydhi karo, Waar saw xor ma tihidin, saw qof waliba codkiisa xor uma aha, waar qof walowba xor baad tahay oo hooyadaa waxay ku dhashay adiga oo xor ah, hadaad reer ka soo jeedo reerka waxbaa idinka dhexeeya oo waa magta iyo shuqulka reerka waa la yaqaanaa, siyaasadana nidaam dastuuriya ayaynu u samaysanay Somaliland oo ay ugu horayso in qof walba oo muwaadin ahi waxa uu xaq u leeyahay inuu wax doorto lana doorto, waxaad xaq u leedahay in aad cida aad doonto doorato, waxaanad xaq u leedahay in lagu doorto, cidi yaanay kuu yeedhin oo aanay caqligaaga caayin oo masiirkaaga iyo mustaqbalkaaga si qaldan kuugu turjumin, doorashadaada xaq baad u leedahay, maxaad ku dooranaysaa Waddani, waxaad ku dooranaysaa Waddani waxa aanu wadnaa Madaxweynaha Mustaqbalka insha allaah Cabdiraxmaan oo hortiina jooga ayaanu wadnaa.
Madaxweynaha oo kaliya ma wadnee waxa kale oo aanu wadnaa Barnaamijka Siyaasadeed ee xisbiga (political Program) ee Waddani oo illaa hadda aanu jirin xisbi barnaamijkiisa siyaasadeed soo bandhigay oo ilaa hadda oo ay afar bilood doorashadii inaga xigto xisbiga Waddani mooyaane xisbiyada kale barnaamijkoodii may keenin, hadal bay hayaan, laakiinse anagu buugii waanu qaybinay, waliba markii aanu idiin soo gudbinay dadka aad ka midka tihiin ayaa laga doonayaa inay ka fal celiyaan oo aragtidooda siday wax u arkaan, waxay doonayaan in lagu daro iyo waxa ay doonayaan in laga daayo, Burco maxaad la jeceshahay buuga xisbiga eegoo waxaad tidhaahdaa waxaa ku dara waxaasaa ka maqane, balse hadaanu ninku waxbaba kuu keenin oo uu damco inuu kaa amaahdo aayar oo dhalatay dee miyaa waligaa lagaa amaahanayaa, ha yeelin in lagaa amaahdo, mustaqbalkaaga yaan lagaa amaahanin oo wax cad oo waraaq ku qoran ayaanu kuu haynaa.
Waxaanu doonaynaa in aad codkiina wax ku badashaan, oo marka hore waxaanu idin leenahay kaadhadhka qaata oo dadka ku wacyigaliya insha allaahu tacaalaa, marka aad kaadhka qaadato ayaad wax dooran kartaa, marka labaadna wax dooro oo doorashadaada wax ku dooro oo ku dooro wixii aad ku qanacdo oo yaan lagugu khasbin ra’yi qadiimoo lagu odhanayo hadii aynu nahay reer hebel meel kale mari mayno, yaan maskaxda lagaa gumaysanin, maskaxdaada xor u ahow.
Waxaan runtii aad u hambalyeynayaa Abwaanadii uu ka mid ahaa Qoolaab oo halkan fadhiya oo runtii maanso xamaasad iyo dareen leh oo ka turjumaysa dareenka bulshada iyo Abwaan Saleebaan oo hoga-tusaalayn badan ku macneeyey Waddani waxa uu qaban doono iyo waxa uu yahay. Waxa hadd iyo jeer guusha hordhaceeda ayay tahay in abwaanku sii tilmaamoo sii carifoo uu ka sii hadlo.
Waxaan jecelahay runtii inaan xusiyo marka aynu leenahay dhalinyarada ee la idin quudhsanayo ee la idin leeyahay dhalinyarada reer hebel halkaas ayuu maraye anay iyidhaahdeen in badan caruur ayuu ku wareegaalaysanayaaye reerka taladiisii meelbay taalaa, waar ma caruurbaad tihiin, saw cod ma lihidin oo wax ma dooran kartaan oo saw xuquuqdiina fulin maysaan, waar xuquuqdiina idinkaa iska leh, waliba .” Ayuu yidhi Hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.

 

Comments

comments