Wasiir ku xigeenka cusub ee wasaarada qorsheynta qaranka isla markaana hore u ahaan jiray wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibada Muddane Axmed Aadan Ismaciil( Axmed Kayse ) ayaa waxaa uu shaaciyey in uu dacwad ka gudbin doono madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici
Muddane Axmed Kayse ayaa waxaa uu cabasho xoogan ka muujiyey hab dhaqan qalafsan oo uu sheegay in uu madaxweyne ku xigeenku kula dhaqmay isla markaana uu si cad isku hor taagay kuna amray in la joojiyo xaflad ay xilka kula kala wareegi lahayeen isaga iyo wasiir ku xigeenka cusub ee wasaarada arimaha dibada loo Soo magacaabey