Somaliland: Ma Dhabaa Inay Wasaaradda Duulisto Shaqaale Soo Dhaweeyey Guddoomiye Cirro Shaqadii Laga Eryey

Date:

Afhayeenka wasaarada duulista iyo Hawada Somaliland ayaa waxaa uu maanta soo saarey war saxaafadeed uu kaga hadlaayo warar shalay laga baahiyey wasaaradaas kaas oo ah in agaasimaha wasaarada Duulistu uu 2 qof oo shaqaale ka ahaa madaarka Hargeysa shaqadii ka eryey ka dib markii ay shalay soo dhaweyn oo ay salameen Musharax Cabdiraxmaan Ciro

Masuulkan afhayeenka u ah wasaarada Duulista waxaa uu si cad u sheegay in sababta masuulyiintaas agaasimihu u eryey in ay tahay ka dib markii ay shaqadooda dayaceen soona dhaweyn Gudoomiye Ciro Waxaana Warsaxaadeedka Lagu Yidhi

“Waxaan halkan uga cadaynaynaa guud ahaan shacbi waynaha Somaliland iyo cid walba oo ay khusayso, in labadaas shaqaalaha ah ee shaqada looga joojiyay ay ka tirsan yihiin waaxda amniga ee madaarka caasimada, waxaana shaqada looga joojiyay ka dib markii ay ku kaceen dayacaad shaqo, iyaga oo soo cidleeyay shaqadii ay qaranka u hayeen ee ahayd baadhista dadka iyo rakaabka madaarka ka dhoofaya wakhti shaqadii socoto, iyaga oo ka qayb galay soo dhawaynta waftiga gudoomiyaha golaha wakiilada ahna musharaxa xisbiga wadani mudane Cabdiraxmaan Ciro ” Ayaa lagu yidhi war Saxafadeedkan

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...