Xildhibbaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan mudanayaasha gollaha wakiillada ee ka soo jeeda bariga Somaliland ayaa ka hadlay heshiiskii xukuumadda Somaliland iyo kooxda Khaatumo ku dhex-maray Magaalada Hargeysa.
Xildhibbaan Saleebaan Cali Koore oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa su’aal galiyay hoggaaminta Prof. Cali Khaliif Galaydh iyo cidda ay matasho kooxda Khaatum waxaanu sheegay in dadka ku nool gobolada bariga Somaliland ay dhammaantood yihiin dad reer Somaliland ah, waxaana ka mid ah hadalladiisii “horta wax uu Cali Khaliif hoggaamiyaa ma jiro, dad la yidhaa Khaatumo-na ma jiro, dadku waa gobollo Somaliland, haddii aad u jeedid dadka dega gobolada Togdheer, Sanaag iyo Sool dantooda way yaqaaniin, waana ummad soo jireen ah oo tashan karta, koox iyo 15 nin masiirkooda ma matali karaan, way jirtaa cabashooyinka dadka deegaankaa bariga ee aan hada ka hadlay laakiin cabashooyinku kuwo ku af-go’aya 10 nin iyo 15 nin maaha waa mid loo baahan yahay in si buuxda oo dhammaan dadkii uu khuseeyay layskugu yeedho oo ay dadku ogolaadaan sida ay u arkaan inay arrintaasi ku dhammaanayso, hadda dadka intiisa badan waa Somaliland, waad ogtihiin diwaan-galinta ilaa Taleex ayaa laga qabtay waxa laga qabtay deegaanadii dalka oo dhan waxa ay u baahan yihiin is-dabaraacin si caddaalad karti iyo hufnaani ku jirto looga fikiro laakiin macnaheedu maaha in kolba kooxo iyo niman diyaarado saaran inta ay yimaadaan marba la yidhaa cid ayaa heshiis lala galayaa xikmad weyn ma samaynayso” ayuu yidhi Xildhibbaan Saleebaan Cali Koore.
Xildhibbaan Saleebaan Cali Koore oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in aanay xikmad weyni ku jirin in heshiis lala saxeexdo koox iyo shakhsiyaad gaar ah waxaanu yidhi “nin diyaarad fuushan iyo nin hawada ka soo degay macno weyn oo uu halkan ku soo kordhin karaa ma jiro dadka deegaamada degan waa in lala kulmaa, Buuhoodle waa in lala kulmaa wixii kale ee hadda dib u heshiis u baahan waa in lala kulmaa, waa in dadka la dhex-fadhiistaa waa in deegaankii la tagaa, laakiin in qof iyo 12 nin oo marba meel u socda xikmad weyni anniga igulama jirto laakiin dadka deegaanka wixii wax tabanaya in loo tago oo ay dawladu dhex fadhiisato sida heshiis waara lagu gaadhi karaa waa sidaa” ayuu yidhi Xildhibbaan Saleebaan Cali Koore.