Nin U Dhashay Dalka Hindiya Oo Da’diisu Tahay 50 Jir Oo La Moodo Ilma Yar !

Run ahaantii arrintani waxay ka mid tahay Mucjisooyinka Ilaahay ee kala duwan ee aynu maalin walba aragno, balse aynu ku cibro qaadan lanahay, Wargeyska Daily Mail ayaa waxa uu warbixin kasoo Diyaariyay nin u dhashay Dalka Hindiya oo Da’diisu tahay 50 jir oo la moodo ilme yar oo aan  toban  jirsan.

Ninkan oo magaciisa la yidhaahdo Passore ayaa waxa uu ku nool yahay Gobolka Madhya Pradesh ee Dalkaasi Hindiya, ninkan ayaa waxa laga yaqaanaa guud ahaan gobolkaasi uu ku nool yahay sababtuna waxay tahay inuu ku caan baxay gaabnidiisa iyo jidhkiisa u eg ilmaha yar.

Mr Passore ayaa waxa uu sheegay in aanu haba yaraatee wax dhibaato ah aanay ku hayn gaabnida uu u dhashay waxaanu yidhi “wax dhibaato ah iguma hayso gaabnida aan u dhashay waxaanan u noolahay sida ay dadku u nool yihiin waanan shaqaystaa waxaanan u seexdaa sida ay dadku u seexdaan ee caadiga ah, waxna waan u cunaa, anigu aad ayaan u wanaagsanahay wax dhibaato ah oo ay gaabnidaydu igu haysaana ma jirto”.

Comments

comments