Deg Deg: Somaliland Oo Xaalada Culus Ku Jirta Iyo Wasiiradi Oo U Guuray Dalka Imaaradka Carabta Iyo Shaqaalihi Oo Bila Mushahar Al-Baabadi Isku Labay Wasaaradaha
Qaar Ka Mid Ah Wasiiradda Wasaaradahan Oo Dubai Kaga Daba Tagay Madaxweynaha Iyo Xafiisyadii Ay Qaranka Uga Shaqaynayeen Oo Aad Moodo Inay Fasax Kujiraan, + Qaar Albaabada Loo Xidhay.
Iyadoo uu Madaxweynihii Dalku in Muddo ah safar dibada ah ugu maqan yahay ayaa waxaanu shalay si kedis ah qiimayn ku samaynay qaabka ay u shaqaynayaan Hay’addihii qaranku,waxaananu kormeer ku soo marnay Shalay abaaro 9:35-Daqiiqo 14-Wasaaraddood oo ka mid ah Wasaaraddaha ugu culus ee Laf dhabarka u ah Qaranka,Waxaanu intooda badan ugu tagnay Shaqaale Hoosaadkii oo qudha halka ay qaar ka mid ah fadhiyaan oo qudha Agaasime Waaxeedyadii,iyadoo aanay habayaraateen midnaba ku sugnayn oo aanay joogin Wasiiradii,Wasiiro ku xigeenadii iyo Agaasimayaashii shaqadu,Waxa sidoo kale Jiray Wasaarado Haawanayay oo aanay Cidiba ku dhex sugnayn.
Wariye Wargeyska Foore ka tirsan ayaa shalay soo kormeeray, islamarkaana ku soo hungoobay oo ay Xafiisyadooda Quful ka lusheen Abaaro 9:35-Daqiiqo ee Shalay Xafiisyada ,Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Shacayb Maxamed Muuse,Wasiirka Wasaaradda Dib U Dejinta Cali Siciid Raygal, Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Cali Xaamud Jibriil, Wasiirka Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed(tagay Cimrada), Wasaaradda Arimaha Dibada Sacad Cali Shire (jooga Dubai),Wasiirka Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse(Jooga Dubai),Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Cumar Shucayb,Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdilaahi Ibraahim Habane,Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan(Joogta Dubai),Wasiirka Wasaaradda Cadaalada,Axmed Faarax Cadare,Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye), Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cali Maxamed Xasan (Mareexaan), Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga Cali Jaamac Buureed,Iyo Ugu Dambayn Wasiirka Wasaaradda Macdantan iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale,Dhamaan Xarumaha Wasaaradahaasi waxay ahaayeen kuwo haawanaya oo aanay ka soconin Wax Shaqo ahi.
Waxa Xusuus Mudan oo Xaalad Gaar ahi ka taagnayd Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Waxa dayrka ama kaamboolka Wasaaradda gudaheeda iyo Dibadeeda ku sugnaa Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaraddaasi oo aad u muuraal jabsanaa islamarkaana koox koox u sheekaysanayay,Qaarkood ayaa kor u sheekaysanayay,oo hadal ka soo duulayay,waxay qaar ka mid ah Shaqaalahaasi ka walaacsanaayeen xaalada ay Wasaaaraddoodu gashay,waxaana la maqlayay oo ka mid ah Hadaladooda, “Way baabaysaa Wasaaraddu haddii sidan lagu sii eegto”, iyo “Maxaa u hadhayba,sawdigaa arkaya sida aynu nahay,ceelna uma qodna Cidna uma maqna,Waxaan eegnaa uun Dawlada dambe sida ay ka yeesho laakiin tan waa la wada arkayaa waxa ka jira wasaaradda”. Gudaha Xafiisyada Wasaaraddu Markaa qaar ayaa furnaa halka intooda badani ay xidhnaayeen ama aanay cidi dhex fadhiyin.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhamaadkii Bishii hore safar ugu baxay Dalka Imaaraatka ee aynu saaxiibada nahay,waxaana safarkaasi lagu sheegay safar nasasho. Xaaladda dalka ayaa guud ahaan istaag kujirta,waxa cirka isku shareeray Sixir Bararka,waxaanu qiimaha Boqolka Dollar marayaa halkii u saraysay,iyadoo sidoo kalena ay Doorashooyin dalka ku soo fool leeyihiin.