Somaliland: Carwadii Hargeysa Oo Lakala Tuuray,Maayarka Iyo Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Hargeysa Oo Shalay Kormeer Ku Tagay Iyo Dhakhtar Kabniinka Dadka Ka Shaqeeya Oo Ku Jiray Oo Amar Lagu Siiyay Inuu Ka Baxo.

Date:

Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore Soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in lagu kala hagaagay oo la iibiyay Xaruntii Dhismaha Carwada Hargeysa ee Dhinaca Ku Haysa isla Xarunta Tiyaatarka Hargeysa ee Xarunta Dawlada Hoose ee Hargeysa Agteeda oo uu mudooyinkii u dambeeyay ku jiray Dhakhtar caan ah oo ka shaqeeya Kabista Lafaha Dadka, Waxaanay Wararku Sheegayaan in Shalay Aroortii uun lagu war helay goobtaasi in lagu kala hagaagay kadib markii ay halkaasi soo gaadheen Madax ka socota Dawlada Hoose oo Hargeysa.
Sida ay Tibaaxayaan Wararka aanu ka helnay xaruntaasi caanka ah ee Carwada Hargeysa,waxa uu go’aankaasi iibku ka yimid Madaxda Dawlada Hoose ee Hargeysa,waxaanay Dawladda Hoose Wada hadal la gashay Dhakhtarka Lafaha Kaba ee mudada badan ku jiray Goobtaasi guunka ah ee ka hadhay dhulkii danta guud ahaa ee mihiimka ahaa ee la wada xaraashay, waxay sida la sheegay ku qanciyeen Dhakhtarkaasi inuu qaato lacag xadigeedu badan yahay oo aan wali cadayn cida bixinaysa,balse u muuqata inay lacagtaasi bixinayso cidda ay Dawlada Hoose ka iibisay oo la sheegay inay Ganacsato tahay,waxaana ugu dambayn dhakhtarkaasi lagu wargaliyay inuu si deg deg ah uga xamaan gurto Goobtaasi oo uu ka guuro,Iyadoo sida lag sheegay lagu kala hagaagay oo aanu wax muran ahi ka taagnayn islmarkaana ay hawsha ugu badani ka soo tisqaaday dhinaca madaxtooyadda ama masuuliyiinta Awoodda badan ku agleh Madaxweynaha.
Sida ay noo xaqiijiyeen Dad goobjoog ahaa,Waxa Shalay aroortii hore kormeer ku tagay oo in muddo ah dhex wareegaalaysanayay Xarunta ama Dhismaha Carawada Hargeysa oo looyaqaan Jajabka Maayarka Golaha Deegaanka Hargeysa ama Duqa Caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydid (Soltelco) iyo Xogyahay Cusub ee Dawladda Hoose Cali Xasan Cawaale,waxaanu safarkoodaasi shalay daaha ka rogay sida ay u Bisishahay xaraashka dhulkaasi,iyo sida loogu kala hagaagay ee aanay waxba iskugu hadhin. Waxaa ku soo xoomayay oo ku soo ururay Kormeerkaasi maayarku shalay ku tagay dhismaha Carwada Hargeysa oo Dad badan oo Bukaan ahi hoos jiifaan islamarkaana lagu dabiibabayo Dad markaasi ka xanaaqsanaa in Goobtaasi la iibiyo waxaana dadkaasi markii dambe kala eryay Ciidanka Bilayska Dawlada hoose.
Wakhtiga kala guurka ah awgii waxa faro baas lagu hayaa oo la xaraashayaa dhulkii danta Guud ahaa ee mihiimka ahaa wixii ka hadhay ee sii jooga,waxaana dhawaan la filayaa in dhul kale oo badan oo mihiim ah cagta la mariyo ka hor intaanay gaadhi bilaha u dambeeya ee Sanadkan oo la rajaynayo ama loo balan yahay in doorashada madaxtooyadu dalka ka qabsoonto.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...