Somaliland: Wasaaradda Duulista Oo Qiratay Shaqaale Shaqadoodii Ku Waayay Salaamidda Guddoomiye Cirro

Date:

Hawadda Somaliland ayaa sheegtay inay shaqadii ka joojisay laba shaqaale ah oo ka tirsan waaxda ammnkigga oo salaamay gudoomiyo Cirro xilli uu ka soo laabtay socdaal dibadeed.
warsaxafeedeed ka soo baxay Afhayeenka wasaaradda duulista iyo hawadda oo soo gaadhay shabakadda Ogaalnews ayaa u dhignaa sidan”Waxaan halkan uga cadaynaynaa guud ahaan shacbi waynaha JSL iyo cid walba oo ay khusayso, in labadaas shaqaalaha ah ee shaqada looga joojiyay ay ka tirsan yihiin waaxda amniga ee madaarka caasimada, waxaana shaqada looga joojiyay ka dib markii ay ku kaceen dayacaad shaqo, iyaga oo soo cidleeyay shaqadii ay qaranka u hayeen ee ahayd baadhista dadka iyo rakaabka madaarka ka dhoofaya wakhti shaqadii socoto, iyaga oo ka qayb galay soo dhawaynta waftiga gudoomiyaha golaha wakiilada  ahna musharaxa xisbiga wadani mudane cabdiraxmaan maxamed cabdilahi ciro.

Arintaasina waxay ka hor imanaysaa xeer hoosaadka anshaxa shaqaalaha madaarka caasimada, cid kasta oo ku kacda hawl aan loo dirana waxa la marinayaa hab anshaxa u yaala shaqaalaha madaarka.

Maadama lagu jiro wakhtigii xagaaga isla markaana madaarka caasimadu uu mashquul ku yahay adeeg u fidinta rakaabka soo dagaya ama dhoofaya, dhamaan shaqaalaha madaarka waxa laga rabaa inay u gutaan waajibaadkooda shaqo sidii loogu talo galay, iyada oo shaqaalaha ay ka mamnuuc tahay inay ka baxaan goobta shaqada wakhtiga ay shaqada ku jiraan ama ay tagaan goob kale oo ayna shaqo ku lahayn, iyada oo mar walba lagu adkaynayo lagana rabo  inay ku sugnaadaan goobta shaqada.

Soo dhawaynta wufuuda dalka iyo kuwa caalamka, waxa madaarka u qaabilsan shaqaale gaar ah oo lagu carbiyay hawshaas inay qabtaan, sidaas darteed shaqaale waynaha kale ee madaarka looma ogola inay ku mashquulaan soo dhawayn maadaama laga rabo inay ku sugnaadaan goobtooda shaqada wakhitaga ay shaqada ku jiraan.

Madaarka caasimadu waa madaar caalami ah oo ay ka hawl galaan diyaarado caalami ah , iyo iyo Maxali ah ba sidaas darteed wuxu adeeg isku mid ah u fidiyaa dhamaan dadwaynaha JSL mucaarid iyo muxaafidba, iyada oo cid walba la siiyo maamuuska ay mudan tahay iyadoo maanka lagu hayo duruufaha amni ee mandaqada ka jira.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...