Somaliland: Gudoomiye Muuse Biixi Oo Farriin U Diray Ardayda Imtixaanka Shahaadigga

Date:

Guddoomiyaha xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa farriin u diray ardayda sanad-dugsiyeedka 2016-2017-ka ka qalinbaninaysa fasallada Afraad ee dugsiyada sare iyo fasallada Siddeedaad ee dugsiyada dhexe, waxana uu hambalyeeyey Ardayda, Waalidka iyo macallimiintii tacabka badan soo gelisay.
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo maanta warbaahinta xafiiskiisa kula hadlay, ayaa guul weyn oo Somaliland gaadhay ku tilmaamay in 26,558 oo Arday sanadkan u fadhiistaan Imtixaanaadka shahaadiga ah, isaga oo soo jeediyey in horumarinta dalka loo mideebo, waxana uu yidhi, “Waxa wax Ilaahay loogu mahadiyo ah Ilaaha ina siiyey nabadgelyada, Dawladnimada iyo isku tashiga aynu isku tashanay inaynu dalkeena wax u qabano oo ay maanta imtixaanka shahaadiga ah u fadhiisanayaan in ka badan 26,000-kun oo Arday, waana guul Somaliland oo dhammi gaadhay oo Ardayda, Macallimiinta, Waalidka, Dawladda iyo intii kale ee ka qayb qaadatay baa gaadhay, waxana inoo ballan ah inaynu dalkeena sii horumarino.”
Guddoomiyuhu waxa uu Ardayda sanadkan Imtixaanaadka u fadhiisanaysa ku tilmaamay mustaqbalkii dalka, waxana uu u rajeeyey inay guul ka gaadhaan Imtixaanka ay u fadhiisteen horraantiisii, “Ardayda Imtixaanka gelaysa waxan leeyahay waxad tihiin mustaqbalkii qaranka, maantana Imtixaankii shahaadiga ahaa baad gelaysaan kuwo kalena way idiin dambeeyaan, ilaahay idankiina guul baan idiin rajaynayaa dhammaantiinba inaad Imtixaankaas ku wada guulaysataan, mustaqbalka noloshiisana ku wada guulaysataan if iyo Aakhirobana Ilaahay idin wanaajiyo,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu Ardayda Imtixaanka gelaysa ugu baaqay inay kalsooni ku galaan Imtixaanka, waxana uu uga digay inay maankooda geliyaan inay isku dayaan inay Qish sameeyaan, isaga oo si hufanna ugu hogo-tusaaleeyey hannaanka suuban ee noloshu ku socon karto, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa aan idiin soo jeedinayaa inaad Imtixaankaas si kalsooni leh u gashaan oo qof waliba ku kalsoonaado wixii uu soo bartay oo aan lahayn wax qashqashaad ah, Ardayduna beryahan dambe waxa ay kaashadaan qalabka Smart-phone, wax lasii duubo iyo waraaqo wax laga eegto, noloshuna in meel gaaban lagaga boodo oo kuma socotee waxa ay u samaysan tahay sida dabiiciga ah ee Ilaahay u sameeyey, waxana nolosha lagaga daydaa tacabka Beeraha, marka beer la falaayona dhulka waa la simaa, xilliga Roobkaa loo eegaa, Bederkaa lagu ridaa, marka uu soo baxona waa la baaq-baaqaa, intaas haddii ay mid seegtona Beertaasi ma baxdo, noloshana qofku marka uu dhasho ee uu guriga kusoo koro ee akhlaaqda iyo Diinta islaamka la baro haddii uu martabad ka boodo noloshiisa way ka dhinnaanaysaa.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...