Xildhibaan Ingiriis Ah Oo Su’aalo Dood Ah Oo Ku Saabsan Somaliland La Hortagay Wasiirada Dalkaas Iyo Jawaabta Ay Ka Bixiyeen

Date:

Xildhibaan Stephen Doughty oo ka tirsan aqbalka golaha wakiilada Ingiriiska, si weyna u taageera qaddiyadda madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dood adag la hor-istaagay xukuumadda Ingiriiska, waxaanu weydiiyay su’aalo ku saabsan aqoonsiga Somaliland iyo doorashooyinka iyo doorka uu Ingiriisku ka qaadanayo.

Xildhibaan Stephn, ayaa wasiiro ku sugnaa toddobaadkan aqalka baarlamaanka Ingiriiska wuxuu weydiiyay su’aalo is dabo-taxnaa oo nuxur ahaan ahaa in Ingiriiska iyo dalal kaleba aqoonsan doonaan Somaliland iyo caawimada dhaqaale ee uu Ingiriisku ku taageerayo doorashooyinka Somaliland ee qoondaysan November 2017.

Su’aasha xildhibaan Stephen, waxa ka jawaabay wasiirul dawlaha arrimaha dibadda ee horumarinta caalamiga ah iyo dalalka barwaaqo sooranka ee Ingiriiska Mr. Rory Stewart, waxaanu ka jawaabay su’aasha ku saabsan doorka dhaqaale ee Ingiriiska ee doorashada madaxtooyada Somaliland, isagoo garab maray su’aasha ku saabsan aqoonsiga Somaliland, waxaanu Wasiir Rory yidhi, “Dawladda Ingiriisku waxay qorshaysay maalgelinta goobjoogidda caalamiga ah ee madaxabannaan ee doorashooyinka madaxtooyada Somaliland, oo hore dib ugu dhacay, balse imika loo qondeeyey in ay qabsoonto bisha November 2017. U diyaar-garowgeeda dhaqaalena uu imika socdo.

Ingiriisku waxa uu bixinayaa 1.4 Milyan oo lacagta Ingiriiska ah oo dheeraada, si uu u taageero guud ahaan wareegga doorasho ee Somaliland.

Ingiriiska ayaa hore baaq caalamiya oo uu soo saaray bishii January 2017 waxa uu ku sheegay in aanu dhaqaale ku bixin doonin kharashaadka dheeraadka ah ee dib u dhigista doorashadu keentay.”

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...