Somaliland: Ma Dhabaa Inu Siyaasi Abiib-timacad Ka Dhex Hilaaci Doono Xisbiga Waddani

Date:

Siyaasiga caanka ah ee Abiib Diiriye Nuur (Timacad) oo wasiir ka soo noqday xukuumadihii Cabdiraxmaan-Tuur, Cigaal Rayaale iyo Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu ku biiro xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Abiib-timacad oo ah siyaasi miisaan leh, ayaa hore uga tirsanaa xisbiga KULMIYE oo uu ka qayb galay shirkiisii u dambeeyay ee lagu doortay murashixiinta madaxtinimada ee KULMIYE, waxase la filayaa sida ay warar xogogaal ahi Geeska Afrika u sheegeen inuu dhawaan ku biiro xisbiga Waddani oo ay muddooyinkii u dambeeyay wada hadalo u socdeen. Murashaxa madaxweynenimo ee Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa shalay siyaasi Abiib-timacad kala qayb galay xaflad meher oo gabadh loogu doonay wiil uu dhalay Abiib Timacad, waxaana xafladaas laga dheehanayay geediga siyaasadeed ee Abiib-timacad, maadaama oo ay xafladda meherkaas soo camireen siyaasiyiinta mucaaradka ahi.

Xisbiga Waddani ayaa iyaguna u muuqda inay si weyn u soo dhawaynayaan siyaasigan oo miisaan siyaasadeed ku leh gobalka saamaynta siyaasadeed leh ee Gabiley.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...