Deg Deg: Mareykana Iyo Somaliland Oo Ka Wada-Hadlay Arrimaha Aqoonsiga Somaliland Iyo Passaporta

Date:

Ku Simaha Madaxweynaha Oo Qaabilay Safiirka Somaliland/Somalia iyo Madaxa Hay’adda USAID Ee Nairobi

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna Ku simaha madaxweynaha mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday safaaradda uu Maraykanku ku leeyahay Nairobi iyo madaxa hay’adda USAID xarunteeda magaalada Nairobi oo Jamhuuriyadda Somaliland ku yimid safar muhiima.

Kulanka ku simaha madaxweynuhu la yeeshay waxa ku wehelinayey wasiirka arrimaha dibada, wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka warfaafinta, wasiirka diinta iyo aw-qaafta, wasiirka degaanka iyo wasiiru-dawlaha madaxtooyada. Geesta kale weftiga uu hogaaminayey safiirka Maraykanka Mr. Stephen M. Schwartz, waxaana ku wehelinayey madaxa hay’adda USAID Mr Alex Dickie.

Kulanka waxa diirada lagu saaray xoojinta cilaaqaadka ee dawladaha Somaliland iyo Maraykanka, ka war haynta arrimaha doorashooyinka iyo xaalada abaaraha ee Somaliland ku dhuftay sanadihii la soo dhaafay.

Wasiirka amuuraha dibeda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa saxaafadda la hadlay markii kulankaasi soo idlaaday, waxaanu yidhi “Saaka waxa halkan bookhasho inoogu yimi wefti ka socday safaarada Maraykanka oo uu hogaaminaayo safiirkay Maraykanka Soomaaliya iyo Somaliland ee fadhigiisu yahay Nairobi Stephen M. Schwartz iyo madaxa haya’dda USAID. Waa markii ugu horaysay ee ay ina soo siyaartaan si ay ula kulmaan dawladda, asxaabta iyo ururada bulshada si ay ugu kuur galaan xaaladeena xaga baaraha, doorashooyinka, xaga bulshada iyo dhinacyo fara badan.

Saaka shirkaa waxa noo gudoomiynayey madaxweyne ku xigeenka si aad iyo aad u wanaagsan ayuu noogu dhacay, si saraaxad leh waanu isugu waranay waxa aanu rajaynayaa awalba cilaaqaadkeenu uu wanaagsana inaga iyo Maraykanka inuu ka sii wanaagsanaado intii hore, insha Allah waxa aanu rajaynayaa inay mar kale nagu soo noqdaan musqablka”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...