Somaliland: Mas’uuliyiinta Shirkadda DP World Berbera Oo Ka War-bixiyey Koontiinarkii Ku Gubtay Gudaha Dekedda Berbera

Date:

Mas’uuliyiinta Shirkadda DP-World ee maamula Dekedda Caalamiga ah ee Berbera ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saaray sida uu u dhacay dabkii shalay ka kacay Dekedda Berbera ee uu sababay Koontiinarka la sheegay in ay ku jireen walxo kiimiko ahi kaasi oo ay sheegeen in ay gacanta ku hayaan kiiska sida falkaasi u dhacay iyaga oo faahfaahiyey sida dabkaasi u kacay iyo baadhitaan ku socda ninkii ganacsada ahaa ee lahaa alaabtaasi qarxa samaysay.

War-saxaafadeed ka soo baxay shalay xafiiska DP-World ee Berbera oo uu ku saxeexnaa maamulaha guud ee Maaliyadda Shirkadda DP-World Berbera Mudane Imaan Yusuf Imaan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakadda Somalilandtoday ayaa u dhignaa sidan:“

Date: June 27, 2017Ku:

Dhammaan Saxaafada Somaliland.

UJEEDO: Warbixin Konteynarkii ku gubtay Dekedda

Berbera.Waxaanu halkan idiin ku soo gudbinaynaa Warbixin ku saabsan kontaynar ku gubtay maanta Abaaro 11:00-am Duhurnimo, Taariikhduna ahayd 27, June 2017, kontaynar kaasoo ay ku jireen Walxo Kiimiko ah kuwaasi oon loo soo yeelin wax calaamad ah oo muujinaysa khatarnimada shixnada kontiinarkaasi ku jirta sida uu dhigaayo xeerka calamiga ah ee shixnadaha khatarta ah ee la mariyo marin badeedada (international maritime dangerous good code).

Hadaba ganacsadaha konteynarkan lahaa wuxuu ka been sheegay Manifeska konteynarkan oo uu walxaha ku jiray uu magac kale u bixiyay amaba ku sheegay.

Kontaynarkan maanta qarxay wuxuu ahaa hadhaagii kasoo hadhay qaraxii kontanarkii hore ee dekada hore qarax u sababay 18 June, 2017 oo meel cidlo ah la dhigay taasi oo dekeda ka baxsan.Waxa wali socota baadhitaan Shirkada DP World Berbera iyo Ciidanka CID iyo booliska degmada Saaxil ay ku wadaan ganacsadihii alaabta lahaa iyo Xaqiiqda nooca Kiimiko ah ee konteynarka ku jiray.

Shirkada DP World waxay caddaynaysaa inaanu jirin wax dhibaato Maal iyo Naf ah oo soo gaadhay shaqaalaha dekedda iyo dhamaan badeecadihii kale ee dekedda yaalay laguna guulaystay in lasoo afjaro qiiqii iyo qaraxii konteynarkaas, islamarkaasna dhamaan shaqadii dekedu ay u socoto sidii caadiga ahayd.

Imaan Yusuf Imaan

Chief Financial Officer. (CFO)

DP World Berbera”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...