Deg Deg: Golaha Wasiiradda Maamulka Muqdisho oo Ansixiyey Sharciga Isgaadhsiinta iyo Area Codekii 252 iyo Saamanta uu Jamhuuriyadda Somaliland ku Yeelanayo

Date:

Golaha Wasiiradda Maamulka Muqdisho oo Ansixiyey Sharciga Isgaadhsiinta Somalia

isticmaalka shirkadaha Somaliland ee telephonadu ay isticmaalayaan area codeka 252 oo laga leeyahay Somalia ayaa khatar ku ah Nabad gelyadda iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirkaddaha Isgaadhsiinta Somaliland ee hore indhaha isaga Tiray iyagoo og, dhibaatadda arintani ku yeelan karto Bulshadda iyo Xukuumadda Somaliland. Waxana looga Baahanyahay in Sida ugu dhakhsaha badan ay Somaliland ugu Soo iibiyaan Area Code Cusub ama waxa lagu Khasbanaan doonaa in la isticmaalo ka maamulka Muqdisho.

Sida ay Wararka Muqdisho kasoo baxayaa ay Sheegayaan in Golaha Wasiiradda Maamulka Itaalka yar ee Somalia uu Baarlamanka Ii Cugada ah ay u gudbiyeen Shariciga Lagu Maamuli lahaa Isgaadhsiinta Somalia.

 

Waxa looga Baahanyahay shirkadaha isgaadhsiinta (Telesom, Somtel, Somcable) ay iyagu marka hore xal u keenaan dawlada, oo ay afar milyan oo number oo cusub ka soo iibsadaan waddamada kale iyo shirkadaha caalamka oo ay talo midaysan u keenaan dawlada, si aynaan waddanka aynu cadawga nahay ee Somalia u isticmaalin telephonekiisa. Ka dibna macaamiishooda siiyaan numberada cusub. Haddii ay sidaas yeeli waayaan, waxa khasab noqonaysa in Somalia sharcigeedu inagu socdo, taasuna mid dawlada Silanyo iyo dawlad soo socotaa toona ay ogolanayaan maaha. Maalintaas dawlada ayaa khasab xal ku keeni doonta. Shirkahada waxan leeyahay idinku raadiya xalka midaysan oo dawlada u keena, haddii kale waa ogtihiin in khasab lagu bedelaayo, waayo Somaliland ogolaan mayso in sharcigan Xamar maanta lagu ansixiyay aynu ku dhaqano.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...