Somaliland: Guddoomiyaha Guurtida Oo Ka Dhawaajiyey Muddo Kordhinta Xukuumada In Ay Geed Ka Go’an Tahay Soona Dhaweeyey Go’aankii Komishanka.

Date:

Guddoomiyaha aqalka golaha Guurtida Somaliland Md.Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa soo dhaweeyey go’aankii ay dhawaan ku dhawaaqeen komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, kaas oo ku saabsanaa muddo kordhin ay u sameeyeen dib u dhaca ku yimi doorashooyinkii dalka ka qabsoomi lahaa badhtamaha sanadkan, waxaana uu sheegay in waligiiba dalku intii uu jiray la soo samaynaayey muddo kordhino kala duwan maantana ay ka gole ahaan muddo kordhin u samayn doonaan xukuumada Siilaanyo.

Md.Saleebaan Maxamuud Aadan,ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta ka soo degaayey madaarka Hargeysa, ka dib safar u muddooyinkii danbe ugu maqnaa dalka dibadiisa, waxaana uu carabka ku dhuftay in mucaaradka dhawaqa ka soo yeedhaya aanu ahayn mid saamayn ku yeelan doona muddo kordhinta ay xukuumada Siilaanyo u samaynayaan.

“Horena waa loo kordhin  jiray maantana gudigii doorashooyinku waxay tidhi mudadaas doorasho kuma qaban karno dee waa la kordhin  ileen dawlad la’aani jirimayse, waa la kordhin doonaa sidii sharcigu ahaa , maanta se idin odhan maayo mudadaas ayaa la kordhinayaa ee horta aanu hawashayada qabsano.“.Ayuu yidhi Md.Saleebaan Maxamuud Aadan.

Guddoomiyaha aqalka golaha guurtida Somaliland Md.Saleebaan Maxamuud Aadan, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Xaalaada dalku marayo ee aad ii buun buuninaysaan anigu idin lama arko , waxa dhibaato ah ma jirto rag baa qaylinaya  guurtidii wali arintii hadii warqadii gaadhayna go’aan may gaadhin cidna lamay tashan  meel aad nagu  kufinaysaan anigu garan maayee insha allah wanaag bay noqon.”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...