Somalia: “Xuska 26-ka June Waxaa Walaalahayaga Gobolada Waqooyiga Ugu Baaqayaa Inay Tahay Mas’uuliyad Inoo Wada-taalla Inaan Dib U Hanano Qaranimadii Iyo Midnimadii Dalkeena” Farmaajo

Date:

Madaxweynaha dalka Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa shacabka reer Somaliland ugu baaqay waxa uu ku sheegay in laga wada shaqeeyo qaranimadii iyo midnimadii dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay Magaalada Muqdisho kaga qaybgalay munaasabadda 26-kii June, oo ku beegan maalintii Somaliland ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, sanadkii 1960-ka, ayaa si dabacsan ula hadlay bulshada reer Somaliland.

Madaxweynaha oo munaasabadaasi ka hadlaayay, ayaa yidhi “Xuska 26-ka June waxaa walaalahayaga Gobolada Waqooyiga, dhalinyaro iyo waayeel, rag iyo dumarba aan ugu baaqayaa inay tahay masuuliyad inoo wada taala inaan dib u hanano qaranimadii iyo midnimadii dalkeena.”

Isagoo hadalkiisa wata, ayuu yidhi “Iyadoo taariikhdeena dhow qaybteeda xanuunka iyo foolxumada leh ay tahay inaan ka gudubno, si aan u gaadhno mustaqbal ka wanaagsan kan maanta aanu ku suganahay.”

Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hadda ka hadal hadalkan ka soo yeedhay Madaxweynaha dalka Soomaaliya

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...