Somaliland: Xukuumadda & WADDANI oo ka hadlay Qorshaha Dawladda Soomaaliya ku Hakinayso Duulimaadyadii Hargeysa iyo Muqdisho

Date:

Xukuumadda Somaliland, ayaa Shalay si adag uga Hadashay Xayiraaddii ay Dowladda Somalia ku soo Rogtay Duullimaadyadii isaga gooshi jiray Magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho, kaddib markii Dowladda Soomaaliya ay ku eedeeyeysay Somaliland inay u dhaqmayso sidii waddan ka madax-banaan Somalia inteeda kale.

Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in aanu khusaynin go’aanka dowladda Soomaaliya ka soo baxay, kaasi oo dhaqan gelaya 22-ka bishan February.

“Waa hawl u taalla Soomaaliya, annagu shuruuc baanu soo saarnay, Shuruucdaasina waxay sheegaysaa inaanu laba Waddan kala nahay in si sharci ah loo soo galo si sharci ahna loosoo noqdo Sida; Waddamada Jabuuti iyo Itoobiya haddii ay iyagu dadka kala Xayirayaan oo ay ka go’an tahay inaanu kala xidhano waa hawl iyaga u taalla annagaaba jecel.” Ayuu yidhi, Wasiir ku xigeenka Amniga oo u waramay Idaacadda VOA-da

Wasiir ku xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Maxamed Muuse Diiriye, wuxuu intaa ku daray. “Annagu qorshahayagii hore ayaan wadanaynaa haddii ay soo celinayaan iyaga ayay u taala. Ninka reer Somalia ah ee passport sitaa waa uu ku noqon dalkiisa, kii aan hore u haysan ee aanu (go home) wuu tagi, ka reer Somaliland ee Passport kii Somaliland ku tagaya waanu siinaynaa hadday soo celinayaan iyaga ayay u taalla.”

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jindisyada Somalia, Jen. C/laahi Gaafoow Maxamuud uu Shalay ku dhawaaqay inay ku wargeliyeen shirkadaha ka shaqeeya duulimaadyada inay joojiyaan daba-yaaqada bishan February duullimaadyadii ay rakaabka ugu qaadi jireen magaalada Hargeysa.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in joojinta Duulimaadyada ee Soomaaliya aanay saamayn ku yeelanayn Somaliland, “Somaliland iyadaa xor u ah Cidda iyo Diyaaradaha ay la macaamileyso, markaa Arrintaa joojinta Diyaaradaha waxaan u arkaa in Masuuliyadda koowaad ay leeyihiin Diyaaraduhu, oo waa diyaarado Ganacsi oo ay halkay imanayaan iyagaa imanaya. Laakiin, Somaliland laba arrin ba way u bannaan yihiin, inay marka hore Madax-bannaanideeda iyadu masuul tahay, Cidda u imaneysana Masuul ka tahay, Diyaaradda u imaneysana ay ruqsad siiso. Arrinkaasi xog-xogaalnimadiisa iyo waxay ku timid waxa laga rabaa inay Xukuumaddu mawqid cad ka qaadato, laakiin, waxaan qabaa in isku socodka Diyaaraduhu Madax-bannaadaan, isku socodka Dadkuna Madax-bannaanaado.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...