“Dhakhtar Aan Caddaan Ahayn Wiilkayga Uma Ogoli” Haweenay Reer Canada Ah

Date:

Muuqaal muujinaya haweenay Waddanka Kanada (Canada) joogto oo dalbanaysa in wiilkeeda uu u daweeyo “dhakhtar caddaan ah” ayay dadku aad isula wadaageen.

Muuqaalka oo laga dhexduubay isbitaal ku yaalla Mississauga, Ontario ayaa la arki karaa haweenayda oo leh wiilkayga luqunta ayaa laga hayaa, haddallo cunsurinimo ahna kula hadlaysa shaqaalaha.

Markii haweenayda loo sheegay in uusan joojin dhakhtar carruurta ku takhasusay oo caddaan ah ayayna xanaaqday.

Muuqaalka oo afar daqiiqo ah ayaa si cad looga dhex maqli karaa iyada oo ku celcelinaysa in wiilkeeda uu u daweeyo dakhtar caddaan ah, isla markaasna aysan rabin dhakhtar ilko bunni ah leh.

Shaqaalihii isbitaalka ayaana ugu celiyay isla hadalkii hore iyo in aysan macquul ahayn in loo helo dakhtar caafimaadka carruurta ku takhasuyay oo caddaan ah shaqadana ku jira.

Haweenay kale oo aan shaqaalaha ka mid ahayn ayaa iyadana la hadashay oo ku tiri “Waxaa cad in xannuunka uu wiilkaagu qabo si uu dhakhtar u daweeyo ay uga daran tahay in aad adigu hooyadii tahay, qof qaab daran oo cunsiri ah ayaadna tahay.

Lahaanshaha sawirka.

Hitesh Bhardwaj oo muuqaalkan duubay ayaa warbaahinta CBC News u sheegay in sababta ku qaaday in uu duubo muuqaalkan ay tahay in uu aad ula yaabay.

Wuxuu sheegay “in ay tahay arrin aan munaasab ahayn oo xun, aysan ahaynna in arrintaas sidaa lagaga gudbo iyadoo aysan dadku ogaanin.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...