Somaliland: Kulan Lagu Lafo-guray Barnaamij-siyaasadeedka KULMIYE Oo Bahda Aqoonyahanka Jaamacaduhu Isku Arkeen

Date:

Kulan lagu lafo-guray barnaamij-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE u diyaariyey inuu kua galo doorashada Madaxtooyda, ayaa lagu qabtay xarunta Garabka Dhallinyarada heer qaran ee xisbul-xaakim.
Garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE, ayaa kulan ballaadhan oo lagu lafo-gurayey barnaamij-siyaasadeed xisbiga KULMIYE ugu talo galay doorashooyinka madaxtinimo ee soo socda la qaatay dhallinyarada iyo aqoon ka kala socda jaamacadaha dalka.
Kulankan oo xarunta garabka dhallinyarada ka qabsoomay xalay, ayaa wax aka qaybgalay oo daah-furay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, hoggaanka garabka Dhallinyarada, saraakiil xisbiga ka tirsan aqoon yahanno madax bannaan iyo Dhallinyaro ka kala socotay jaamacadaha kala duwan ee dalka.
Ujeeddada kulankan loo qabtay oo ahayd sidii bahda aqoonyahanka ee wax ka barata jaamacadaha dalka looga qaybgelin lahaa barnaamij-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE, isla markaana ay afkaartooda uga dhiiban lahaayeen, ayaa si weyn diirrada loogu saaray Afar qodob oo kamid ah tiirarka waaweyn ee udub-dhexaadka u ah Barnaamij-siyaasadeedka xisbiga, kuwaas oo kala ah Dhaqaalaha, Deegaanka iyo isbeddelka Cimilada, Siyaasadda Arrimaha DIbadda iyo Maamul-wanaagga, waxana si mug leh aqoon yahanka hortooda uga sharraxay xubno aqoonyahan ah oo xubnaha dhallinyarada xisbiga iyo qaar madax bannaanba isugu jira.
Sharraxaad hufan iyo faaqidaad ballaadhan oo qoddobadan si qoto dheer loogu sameeyey kadib, ayaa bahda aqoonyahanka Jaamacadaha ee madasha ku sugnayd waxa ay qaybtooda ka qaateen aragtiyahooda la xidhiidha qoddobada loo sharraxay ee barnaamij-siyaasadeedka xisbiga kamidka ah, waxana ay mid mid u dul joogsadeen meelo ay u arkaan in wax ka-deddel iyo kaabis lagu samayn karo.
Tallooyin iyo Tusaalooyin dhaxalgal noqon kara ayey xubnihii madasha kasoo xaadiray soo jeediyeen, waxana ay ka markhaati kaceen inuu Barnaamij-siyaasadeedka KULMIYE dalka horumar ballaadhan usoo jiidi karo haddii hirgelintiisa loo guntado.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isagu kelmado kooban madasha lagu gorfaynayey ka jeediyey, ayaa dhallinyarada aqoonyahanka ah ka codsaday inay axadhaan, isla markaana faaqidaad dheeri ah ku sameeyaan Barnaamijka xisbiga, waxana uu u caddeeyey inuu xisbigu diyaar u yahay qaadashada talooyinka aqoonyahanka, maadaama oo ay yihiin hoygii Tacliinta.
Gorfaynta Barnaamij-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE, ayaa habeennada soo socda sii socon doonta, waxana, iyaga oo aqoonyahanka jaamacaduhuna sii wadi doonaan ku darsashadooda wixii talooyin ah ee ay muhiim u arkaa, iyada oo uruinta aragtiyadaha aqoonka kadibna qorshuhu yahay in Barnaamijka si toos ah bulshada loogu bandhigo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...