Dawladda Qadar Oo Shuruud Ku Xidhay Inay Wadahadalo La Gasho Dalalka Khaliijka

Date:

Dawladda Qadar ayaa sheegtay in aysan wax waanwaan ah la geleynin wadamada ku soo rogay xayiraada illaa ay dib ugaga laabanayaan xayiraadaha dhinaca dhulka, badda iyo cirka ay ku soo rogeen wadankiisa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dawladda Qadar Sheekh Mohameed bin Abdulrahman Al Thani oo kula hadlayay warbaahinta magaalada Doxa ayaa yidhi “Qadar xayiraad ayaa saran, ma jiro wax wadahadal ah,waa inay marka hore qaadaan xayiraadaha si wadahadalo u bilowdaan.”

“Majiro illaa iyo hadda wax horumar ah oo dhinaca qaadida xayiraadaha taasoo aan hore shuruudaas ugu xirnay in arrimaha hore loogu wado.”ayuu sii raaciyay.

Wasiirka arrimaha dibada dalka Qadar ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrimaha Taleefishinka Aljazeera waxana u usheegay in uusan jirin cid soo faro gelin kara arrimaha gudaha ee dalka Qadar,isagoo sii raaciyay inaysan wax waanwaan ah ka geleynin arrimaha gudaha ee dalkiisa.

Boqorka dalka Kuwait oo ah qofka kaliya ee waanwaan ka dhex wada labada dhinac ayaa sheegay inuu ka sugayo wadamada Khaliijka dalabaadkooda muhiimka ah ee ku aadan in wadahadalo lagu xalinayo khillaafka la bilaabo.

Wasiirka Arrimaha dibada ee dalka Qadar ayaa sheegay in haddii la sii wado xayiraada saaran dalkiisa ay ku tiirsanaan doonaan dalka Qadar oo si weyn ay isaga soo horjeedaan Boqortoyada Sacudi Carabiya.

“Iran waxayna noo fududeysay in aan hawadeeda isticmaalno waxaana aan wadaqabsi la yeelanaynaa wadan walba oo xaqiijinaya in dalka Qadar uu garab istaago.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...