Waddan Kaalmo Dhaqaale Siinaya Nin Kasta Oo Doonaya In Uu Afar Xaas Yeesho, Gaar Ahaana Dhiirri Gelinaya Guurka Haweenka Carmasha Ah Iyo Kuwa Guumoobay

Date:

Jimciyad ka hawl gasha arrimaha Bulshada oo fadhigeedu yahay waddanka Sucuudi Carabiya ayaa soo saartay baaq ku aaddan ragga doonaya in ay xaasaska badan yeeshaan kaasi oo u sahlaya in ay jimciyaddaasi caawimo u fidiso ragga doonaya haween badan oo ay guursadaan, qorshahaasina ku sheegtay mid lagu dhiirri gelinayo guurka badan iyo in lala dagaalamo in haweenku dalkaasi ku dhacaan guur la’aan wakhti daraasado dhinaca qoyska ah oo dalkaasi Sucuudiga laga sameeyey daah furayaan in korodh badani ku yimid xaddiga haweenka guunnimada ku waynaada ee aan helin fursad guur.
Jimciyaddaasi oo fadhigeedu yahay caasimadda wadanka Sucuudiga ee Riyaad ayaa gaar ahaan dhiirr gelinaysa guurka haweenayda afraad iyo in ragga laga caawiyo in ay dhammays tiraan afarta haween ah ee shareecada islaamku ninka u ogoshahay in uu hal mar wada qabi karo iyada oo si gaar ah farriintan ugu socodsiisay in ay gacan ku siin doonaan nin kasta oo leh wakhtigan saddex xaas in ay ka saacidi doonaan dhismaha xaaska afraad oo ay dhammaanba kafaalo qaadi doonaan waxa ku baxaya aqal galka guurka haweenayda afraad taasi oo keentay in rag badan oo saddex xaas lahaa hanqalka la soo kacaan oo jimciyaddan iska soo diiwaan geliyaan si ay u helaan xaas afraad oo dhamamanba kharashkeeda laga bixiyay.
Sida uu baahiyey telefishanka Rotana oo uu idiin soo turjumay wargeyska Foore, Haweenayda lagu magacaabo Howzan Mirza oo bare sare ka ah jaamacadda Boqor Cabdulcasiis ee dalkaasi Sucuudiga sidoo kalena madax ka ah jimciyaddan guurka xaasaska badan dhiirri gelinaysa ayaa warbaahinta u sheegtay in ay fureen sanduuq kaalmo dhaqaale siin doona ragga doonaya in ay xaasaska badsadaan gaar ahaan kuwa aan tahli Karin inay mid saddexaad iyo mid afraad guursadaan iyada oo sheegtay in ay gaar ahaan waliba kharashka oo dhan ka bixin doonaan ragga wakhtigan leh saddex xaas ee doonaya in ay afreeyaan.
Professor Howzan Mirza oo waraysi siinaysay telefishanka Rotana Khaliijiya ayaa waxa ay sheegtay in jicmiyadda ay ka tirsan tahay oo wada shaqayn arrinkan kala leh wasaaradda shaqada iyo kobcinta arrimaha bulshada ee Sucuudigu ay mashruucan bilaabeen sannadkan 2017 sidoo kalena ay doonayaan in ay laban laabaan dadka ka faa’iidaysanaya si bay tidhi loola dagaalamo hablaha guur la’aanta ku waynaanaya ee ku goomoobaya iyo waliba kuwa carmasha ah ee la furay ama raggu ka dhinteen taasina keenayso in kor loo qaado heerka nolosha haweenka iyo dhismaha qoyska sucuudiga ah. Howzan Mirza oo arrimahaasi sii faahfaahinaysaa waxa ay tidhi: “Mashruuca kobcinta iyo kor u qaadka nolosha haweenka ee aanu wadnaa waa mid guurka lagu kordhinayo. Waxa aannu doonaynaa in aannu haween badan fursado guur siinno. Kuwa carmasha ah ee laga geeriyooday ama la furay waa muhiimaddayada koowaad, mihiimadda labaadna waa hablaha guurku ka habsaamo ee da’da guurka sii dhaafaya. Waxa aannu dhiirri gelin dhaqaale ku siinaynaa nin kasta oo doonaya in uu xaasas kale yeesho. Waxa aannu dhiiri gelinayaa ragga laba ama saddex xaas leh ee aan awood dhaqaale u lahayn in uu mid saddexaad ama afraad guursado. Waxa aanu dhaqaalaha ugu badan siin doonaa ninka saddex xaas leh ee doonaya in uu afreeyo. Kaasi waxa aannu ka bixin doonaa dhammaan kharashka meherka, aqal-galka iyo xataa biilka reerka oo aannu dhawrkii sanaba mar caawimaad ka gaysan doono. Haddii mashruucani guulaysto waxa aan ku ballaadhin doonaa boqortooyada oo dhan” ayay tidhi Maro Howzan Mirza oo ah Professor cilmiga qoyska iyo arrimaha bulshada ka dhigta jaamacadda Boqor Cabdulcasiis.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...